|

Ujeedada Shir Beeleed Siyaasadaysan oo Maalintii Saddexaad ka Socda Bariga Sanaag iyo Natiijada Laga Filayo

BadhanSept 26,2012 SDN/(Hubaal)- Deegaanka Caroweyn oo ka mid ah degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa waxa maalintii saddexaad waxa ka socda shirwayne ay halkaasi ku qabsatay beelaha Aaden Siciid (Warsangali), kaasi oo la sheegay in lagaga wada arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Beelahaasi. Shirkan oo halkaasi ka furmay 23-kii bishan September  waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameedka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beelahaasi ee ku kala mabda’ ah qadiyada Madax-banaanida Somaliland, waxaana shirkaasi jooga siyaasiyiin xilla kala soo qabtay Maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo hadda Mucaarad ah ku ah Madaxwayne Faroole isla-markaana ka soo horjeeda in siyaasadiisu ka shaqeyso deegaanka Sanaag bari.

Shirkan oo galay maalintiisii labaad, ayaa ilaa hadda waxyaabaha lagaga wada hadlayo lagu sheegay mustaqbalka siyaasadeed ee beelahaasi iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahaayeen beelaha la deriska ah, balse wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya in beelaha Aaden Siciid ka wada tashanayaan sidii maamulka Puntland aanu deegaankooda uga bilaabeen ololayaal la xidhiidha hanaanka xisbiyadda badan oo hadda Puntland u guurayso, iyadda oo la sheegay inuu shirkaasi dabada ka riixayo Suldaan dhowr bilood ka hor xukuumadda Hargeysa ku casuuntay, kaasi oo hadda ku sugan deegaanka bariga Sanaag. Shirkan ayaa la sheegay inay la socdaan siyaasiyiinta bariga Sanaag kaga jira xukuumadda Somaliland isla-markaana doonayaan in laga soo saaro go’aamo lagu taageersan yahay siyaasada bariga Sanaag ee xukuumadda Somaliland, iyadda oo siyaasiyiinta xukuumadda ka midka ahi doonayaan inay iska maydhaan fadeexado ka soo gaadhay khilaaf ka dhashay maalgashigii dekeda Laasqoray, taasi oo xukuumaddu faro-galin ku samaysay markii masuuliyiin reer Puntland ahi halkaasi soo gaadheen.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed