Ujeedada Safar Hogaanka Baarlamaanka Somalia ku teggay Waddanka Talyaaniga
15,Apr.2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Barlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Somalia,Md.Maxamed Cismaan Jawaari,ayaa jaatan ku sugan Dalka Talyaaniga.waxaana kulamo kala duwan la leeyahay Madaxda Wadankaasi.
Safarkan Gudoomiyaha iyo Wafdiga uu horkacayo ay ku tageen Talyaaniga ayaa waxa lagu macneeyay sii xoojinta Xidhiidka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya laba Waddan.
Wararka ayaa sheegaya inta Kulanadu socdaan si aad ah laysula soo qaadi doono sidii si wada-jir ah wax looga qaban lahaa Guud ahaanba Xasiloonida Gobolka iyo gaar ahaan Xaaladda Amaan ee Somalia.waxaana saraakiisha Talyaaniga la hor-dhigi doona Baahiyaha ay tahay inay wax kala qabato Dawladda Talyaanigu Dawladda Somalia.sida Tababaro loo sameeyo Ciidamadda Dalka si ay ugu suura-gasho inay kala wareegaan Ciidamadda Amisom guud ahaanba Amaanka Wadadnka marka la gaadho wakhtiga uu ku eegyahay Mandate-ka Ciidamadda Shisheeye eek u sugan Somalia.
Tan iyo intii ay Somalia ku jirtay Burburka may Muuqan wax saamayn ah oo Talyaanigu ku lahaa Wadanka Somalia,iyada oo dad badani ay ku doodaan inuu Talyaanigu dayacay Doorkiisii uu ku lahaa Xasilinta iyo Nabad ku soo dabaalida Somalia.
SDN/QJ- Rome