Uhuru Kenyata Oo Loogu Baaqay Inuu Xilalka Ka Qaado Saraakiishiisa Ammaanka u Qaabilsan
Nairobi:June,18,2014(SDN/QJ)-Madax kala duwan oo ka kala tirsan Dhinacyada Siyaasadda ee Dalka Kenya, ayaa si cad u sheegay in loo Baahan yahay inuu Madaxweyne Uhuru Xilalka ay Hayaan dibadda ka dhigo Xilalka ay Hayaan oo loo arko inay ku fashilmeen.
Saraakiisha la codsanayo in xilalka laga caydhiyo ayaa waxa kaw ka ah oo ugu horreeya ragga xukuumadda Uhuru Kenyata u qaabilsan dhinaca Ammaanka oo loo arko qaar ku fashikmay Hawlihii loo igmaday.
Hogaamiyayaashani ayaa waxa ay sheegeen in sarakiisha wasaarada arimaha gudaha ay ku guul daraysteen in ay sugaan amaanka nafta iyo maalka Kenyanka.
Hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Aadan barre ayaa waxa uu ugu baaqay in uu qaado talaabo dagdag ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatada soo kordhaysa ee Dalkaas ka jirta.
Xildhibaan Ducaale ayaa waxa uu farta ku fiiqay in amaanka dalka uu u baahan yahay in tallaabooyiin dagdag ah laga qaado gaar ahaan uu madaxwaynaha qaado tllaabo dagdag ah .
Sanatarka laga soo doorto Kakamega Buni Khalwale ayaa dhankiisa ku baaqay in wasiirka arimaha gudaha Josof ole Lenka uu isu casilo sida ugu dhaqsiyaha badan, maadaama dadka shacabka ah loo laynayo si aan kala Go’ lahayn .
Hogaamiyaha xisbiga UDF Musalia Mudavadi ayaa isagu ku baaqay in ay dowladu dhisto gudi gaar ah oo baadhitan ku sameeya habacsanaanta laamaha amaanka ee ku aadan wax ka qabashada amniga dalka .
Mudavadi aya sidoo klae ku abaqay in isabadal guud lagu sameeyo laamaha amaanka dalka .
Weerarkii Mpeketoni ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee dhawan dalka ka dhaca marka laga reebo weerarkii Wesgate ee ay dadka badan ku dhinteen .
SDN/QJ