Uhuru Kenyata Oo Kusoo Laabtay Dalkiisa Hooyo iyo Kumanaan Shacabkiisa ah Oo Soo Dhaweeyey
Nairobi:Oct,09,2014(SDN/QJ)-Madaweyne Uhuru Kenyata oo kasoo degay Gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyata, waxyar kadib markii uu hortegay Maxkamadda Dembiyada dagaalka ee The Hague.
Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka, kumanaan kalena waxay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wadooyiinka waaweyn ee Nairobi si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxweynahooda.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay go’aan ka gaadhi doonto in dacwadda ka dhanka ah Kenyatta daaqadda laga tuuri doono iyo in kale.
Qareennada u doodaya Kenyatta ayaa ka codsaday garsoorayaasha inay dacwadda meesha ka saaraan maadaamma dacwad oogaha aanay hayn caddeyn ku filan.
Balse xafiiska dacwad oogaha ayaa ku dooday in dowladda Kenya ay diidday inay ku soo wareejiso caddeymo ka dhan ah Kenyatta, waxayna doonayaan in waqtiga loogu daro.
Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa, William Ruto, ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay xilligi ay socdeen qalalaasihii xigay doorashadii 2007-da.
SDN/QJ