Ugu Yaraan 25-ka mid ah Askarta Masaarida Oo Qudha lagaga Jaray Gacanta Sinai Ee Dalka Masar
Rafax:20-Aug-2013-(SDN)-Saraakiisha Ammaanka u Qaabilssan Dalka Masar ayaa sheegay in ugu yaraan 25 boolis ah lagu dilay weerar ka dhacay gacanka Sinai Maalintii shalay.
Maleeshiyaad Islaami ah ayaa looga shakisan yahay in ay Isbaaro u dhigeen laba gaadhi oo ay ku safrayeen ciidammada booliska meel ka baxsan magaalada Rafax.
Waxaa la kordhiyay ammaanka gacanka iyadoo la xidhay xuduudda looga gudbo Qasa ee Rafax ee ayb la leeyihiin maamulka Falastiiniyiinta oo uu xidhitaankaasina caqabad ku yahay.
Weerarrada ay maleeshiyaadka ka geysanayaan Sinai ayaa kordhayay tan iyo markii jagada laga qaaday Maxamad Mursi bishii la soo dhaafay, iyadoo ay ciidankaa.
In ka badan 70 ciidammada ammaanka iyo tiro badan oo shacab ah oo intaa la eg oo ah, ay militariga Masar ku tilmaameen, kooxo argegixiso ayaa la dilay lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxana la filayaa, iyadoo la filayo inay waddamada midowga yurubna maalinta berry ah iskugu yimaadaan kulan ay kaga wada hadlayaan waxa laga yeelayo militeriga dalka Masar oo shacab badan xasuuqay.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com