|

Uganda oo ugu baaqaday deeq bixiyayaasha in ay taageeraan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya

Bihanga Feb 03 2013 (SDN)— Dr. Crispus Kiyonga, Wasiirka Difaaca dowladda Uganda oo ka hadlay xaflad Ciidamo dowladda Soomaaliya tabar loogu soo xirayay oo ka dhacday Xirada Bihanga ee galbeedka dalka Uganda ayaa ugu baaqay deeqbixiyayaasha in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Uganda ayaa tilmaamay in Caalamka looga baahanyahay in xooga ay saaraan sidii Ciidamada dowladda Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa looguna qalabeyn lahaa.

Kiyonga ayaa xusay in tababarka ay bixiyaan hada Ururka Midowga Yurub ay tusaalo cad u tahay dowladaha daneeya Soomaaliya islamarkaana ay taageeraan tabarada la doonayo in dib loogu dhiso Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Uganda ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay Ciidamo xoogleh oo difaaca dalka, sugana Amaanka shacbiga Soomaaliyeed waxaan uu intaasi ku daray in loo baahanyahay ciidamo la wareega Amaanka Marka AMISOM ay ka soo baxyaan Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa 551-Askari tababar ugu soo xirtay Xirada Bihanga ee galbeedka dalkaasi waxana horay ay Uganda u soo tababartay Ciidamo kale oo farabadan.

SDN-Bihanga 

Comments are closed