Uganda: Boob lagu Hayo Qalabka Xafiisyada ee Ururada Caalamiga ah
Kampala,14,6,2016 (QJ/SDN) – Dalka Uganda, sanadihii lasoo dhaafay ee dhowrka ahaa gaar ahaan 2dii sano ee lasoo dhaafay waxaa dad aan heybtooda la garan la sheegay in ay boob ku hayeen oo usoo dhacayeen xafiisyada heyadaha caalamiga ah ee halkaa kuyaala.
Dadkaa ayaa la sheegay inay ka xadaan ama ka xadayeen kombuyuutaro iyo qalab kale xafiisyadaa.
Qalabka ilaa hada ay xadeen dadkaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ku kacaayo malaayiin doolarka Maraykanka ah.
Ururo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah oo gaaraya tobaneeyo ayaa qalab laga xaday inta xafiisyadooda loo dhacay labadii sano ee tagay.
Dhawaan ururo 30 ka badan ayaa booliska dalkaa cabasho gaarsiiyay ah in arinkaa wax laga qabto.