Ugaandha oo lagu eedeeyay in ay dagaalyahano Shabaab ah tababareen
Muqdisho May 21,2014(SDN/QJ)-Dawlada Ugaandha ayaa lagu eedeeyay in ay tababro u fidisay qaar ka mida dagaalyahanada Shabaabka ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ugaandha ayaa ilaa iyo haatan tababro dalkeeda ku siisay in ka badan 3600 oo askari oo ka mid ah ciidamada dawlada Soomaaliya.
Qaar ka mida ciidamadaas ayaa ku biiray dagaalyahanada kooxda Al Shabaab .
Taliyaha ciidamada Ugaandha Gen Edward Katumba Wamala ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay dagaal yahano u tababareen Shabaabka.
“Ma aha hadii qaar ka mida ciidamadu ay Shabaabka u goostaan in aanu tababr u fidinay dagaal yahano Shabaab ah”ayuu yiri Gen Edward.
Kharashaadka ku baxa tababrada ciidamada Soomaalida ayaa waxa bixiya midawga Yurub oo dhankooda ka dafiray sheegashada in ay Ugaandha tababar u fidiso Shabaabka.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com