|

Ugaadha oo Duyuurado dagaal ku weerareysa Kismaayo

Kampala August 08,2012(SDN)-Ciidamada dalka Ugaandha ka jooga Soomaaliya ee ugu tirada badankuwa ka socda Africa ee AMISOM ayaa maalinimadii shalay ukeenay Muqdisho horudhaca ciidamo cirka ah oo duyuurado dagaal ku hubeysan.

Ciidamada AMISOM ayaa fulinaya qorshe qeyb ka in Soomaaliya bishan loo dhiso dawlada rasmi ah oo aan KMG aheyn.

Afhayeenka ciidamada cirka ee dalka Ugaandha Lt. Moses Omayo ayaa saxaafada u sheegay in maalimadii Isniin Soomaaliya loo daadgureeyay duyuurado ciidamadu leeyihiin oo isugu jira kuwa xamuulka iyo kuwa qumaatiga u kaca.

“Xaalada Soomaaliya ayaa ah mid goorwalba isbedeleysa,waxaanan dareenay in haatan ay muhiim tahay in aanu ciidamada cirka geyno Soomaaliya,duyuuraduhu waxa ay fulin doonaan hawlgalo degdega daadguren ciidan,waxaaney gacan siin doonaan ciidamada Burundi iyo kuwa Jabuuti”ayuu yiri afhayeenku.

Talaabadan ay qaadeyso dawlada Ugaandha ayaa ku soo beegmeysa xili ay maalmo yar uun ka hor booqasho dalkaasi ay ku tagtay xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Hillery Clinton.

Mrs Clinton ayaa Ugaadha uga mahadcelisay hawlgalada ciidamada dalkaasi ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

SDN-Kampala

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed