|

UDUB oo taageereyaashooda ugu baaqay dibedbax,deqbixiyeyaashana fariin u diray

Hargeysa Sept 14,2012(SDN)-Xisbiga mucaarika ah ee UDUB ayaa war saxaafada loogu talogalay oo uu ku sexeexanyahay ku-simaha Guddoomiyaha xisbigaasi ayaa waxa fariin loogu diray deeq bixiyeyaasha maalgeliya doorashooyinka Somaliland iyo taageerayaasha xisbigaasi.

Xisbiga UDUB oo hore u shaaciyay in aaney ka qeybqaadan doonin doorashooyinka golaha degaanka ee in asoo haya ayaa qoraalkan ay soo saareen waxa uu u qornaa sidan;

KU: Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

OG: Guddiga Diiwaangelinta Ururada & Ansixinta Axsaabta Qaranka JSL.

OG: Deeq bixiyeyaasha Doorashooyinka JSL.

OG: Golaha Wakiilada JSL.

OG: Golaha Guurtida JSL

OG: Madaxweynaha JSL

Ujeeddo: Go’aan Xisbi

Mudanayaal,

Madaxda ay Warqaddani sida tooska ah iyo ogaysiintaba ugu socoto waxaanu ku wargelinaynaa in  shalay oo taariikhdu ahayd 12 September, 2012  Guddiga  Fulinta ee Xisbiga iyo Madax kale oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB Shir ay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ku qaateen Go’aanadan soo socda:

  1. Inaan Xisbiga UDUB ka qayb-gelin Doorashada Golaha Degaanka ee 14ka November, 2012.
  2. In taageerayaasha Xisbiga UDUB  ku  Mujiyaan shucuurtooda ku lidiga go’aamada Guddiga Diiwaangelinta, Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadduba isku raaceen bannaanbaxyo Salmi ah oo ay kaga jawaabayaan in aan sharci darrada lagula dhaqmay shaqayn Karin.
  3. In Xisbigu baaq dheer u gudbiyo Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaysa nabadgelyada iyo Dimoqaraadiyada JSL  ka hana qaaday.
  4. In Xisbiga UDUB soo dhaweynayo cid kasta oo kala aragti ah nabadgelyo darro iyo ku tumasho sharci oo dalka ka dhacda.

Go’aankan Xisbiga UDUB ayaa ka dhashay Gafkii Sharci darrada ahaa ee Guddiga Diiwaangelintu ku laashay Musharixiintii Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee shirkii Golaha Dhexe Xisbigu (27 Aug, 2012) sida sharciga ah u doortay. Go’aankaa  Guddiga Diiwaangelinta (Ref: GDU/AAS/141-2012 ee 04/09/2012) oo Masuuliyiintii Gobolada iyo Musharixiintii G/Degaanka ee Xisbiga oo  dhawaaqa maalintaa ka hor ay xisbiga 17 Degmo  ka dhinaayeen 3 Xubnood oo kaliya, halka degmooyinka kalena lagu hawl jirey inay ka dhammaystirmaan, ku keenay khalkhal iyo kalsooni darro maadaama oo Musharixiintii ay ku soo hirteen ay maqleen in laalay.

Xisbigu wuxu warqad Jawaab celin ah u qoray Guddiga Diiwaangelinta (Ref: JSL/G.UDUB/F-1-26/09/12, Date 05/09/2012) uguna lifaaqay Go’aamadii Shirka Golaha Dhexe ee Musharixiinta Madaxtooyada lagu doortay isla 05/09/2012, si ay uga noqdaan khaladka sharci ee ay Xisbiga ka galeen si aanu Xisbiga dhaawac u gaadhsiin wakhtiga xasaasiga ah Doorashada loo diyaar garoobay. Nasiib darro  arrintaas Guddiga Diiwaangelintu wax ka noqosho ah ama garawshiiyo kamay bixin.

Mudanayaal, waxa markay taariikhdu ahayd 08/09/2012  Xisbigu qoraal cabasho (Ref:JSL/G.UDUB/F-1-27/09/12) , ogeysiina siiyey Madaxweynaha JSL  u qoray Komishanka Doorashooyinka oo iyagu xaq u leh tartanka doorashooyinka si ay Xisbiga ugu qiimeeyaan dhaawacaa Xisbiga ka soo gaadhay Go’aanka sharci darrada ah ee Guddiga Diiwaangelinta, taasoo Xisbigu ka codsaday in wakhtiga xaraynta liisaska Musharixiinta Golaha Degaanka loogu daro laba usbuuc (14 casho) si Xisbigu uga kabto dhacdadaa musharixiintii xisbiga ee degaanka ku abuurtay khalkhalka iyo shakiga, xisbiguna aanu uga baaqsan tartanka doorashada.

Waxa haddaba Xisbigu qaadan kari waayay inaan Komishanka Doorashooyinku wax qadarin iyo tixgelin ah u samayn duruufaha Xisbigu uga cabtay ee kaga yimi Guddiga Diiwaangelinta oo ahaa Go’aan sharci darro oo sida badheedh ah loogu talo galay Xisbiga UDUB.

Mudanyaal, arrimahaa Guddiga Diiwaangelinta iyo tixgelin la’aanta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee duruufta Xisbiga oo muddada aanu codsanay aanay marnaba waxba u dhinteen waqtiga doorashada Degaanka iyo ka raali ahaanshaha Madaxweynaha JSL, ayaa noo caddeysay in Xisbiga UDUB  dagaal wada jir ah lagula jiro, si badheedh ahna loogu talo galay in laga reebo doorashada Golaha Degaanka.

Mudanayaal, Xisbiga UDUB oo ahaa asaasihii dimoqraadiyadda Somaliland, kuna soo guulaystay inuu qabto Afar doorasho oo si nabadgelyo ah u dhacay, si gobonimo ah oo aan ka suuro-gelin dawlado waaweyn iyo kuwo jaarkeena ahba ku wareejiyey Xilkii Xukuumadda markii doorashada laga guulaystay, wuxuu qaadan kari waayey iskaashiga colaadeed iyo gefka sharci ee loola badheedhay, arrimahaas ayaana ku kalliftay inuu qaato Go’aanka 4ta Qodob ah ee kor ku sheegan.

 

Allaa Mahad Leh,

 

Cabdi Xaliim Maxamed Musa

Xoghayaha Guud ahna K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB

Comments are closed