UCID:Waanu aqbalay iscasilaadii Xoghayaha Arimaha Dibedda,si dhakhso ahna waa loogu soo buuxin doonaa cid kasta oo danaynaysa jagadaasi
Hargeysa Jan 23,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta soo saaray war saxaafada loogu talo galay oo iscasilaadii looga aqbalayo Xoghayihii Arrimaha dibeda Md Maxamed Haruun oo dhawaan dalbaday in xilkaa laga wareejiyo.
Lama Garanayo sababaha dhabta ah ee uu Xoghayaha oo aqoon durugsan u leh Siyaasada uu xilkaa isaga casilay,waxaase jirtay in si shakhsiyana uu dhawr jeer uga hadlay xaaladaha siyaasaded ee dalka kiyoo dhaliilaya siyaasadaha xukuumada Axmed Siilaanyo khaasatan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo wax qabadka wasaarada arrimaha dibedda.
Qoraalka Xisbiga ee lagu aqbalay iscasilaada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in jagada lagu soo buuxin doono cid walba oo daneyneysa,qoraalka oo dhameystirana sidan ayuu u qoraa;
“Anaga oo tixraacayna codsigii E-mailka uu u soo diray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ee Ku Taariikhaysnaa Bishii Dec 31 2012, kaas oo uu u soo gudbiyay Xoghayihii Hore ee Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID Md, Maxamed Haaruun Maxamud kuna codsanayay in laga ogalaaddo in uu baneeyo jagadii Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Xisbiga UCID, dano gaar ah awgeed, kadib markaan la tashaday Guddida fulinta ee Xisbiga waxaan ka aqbalay codsigagaa is-casilaada ee uu oo soo gudbiyay xoghayihii hore ee Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID.
Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa Md, Mohamed Haarun Maxamuud sidii qiimaha weyn lahayd iyo hagar la’aantii aad noola shaqeysay intii aad jagadda haysay, walina aan jeclahay in aan aad sii wadi doontid hawshaas.
Sidaa awgeedna in jagadaas Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID si dhakhso ah loo soo buuxin doono cid kasta oo danaynaysa jagadaasi.
ALLAH MAHAD LEH
Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga
ahna Ku Simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
Md, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)