ubaxii baxayow sow-digan abbaarsadey
Bismilaah mahad oo dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga garanaysa.
Xaaji aaden af-qallooc oo si weyn ula dardaarmaya dhallinyarada, mar uu abwaan ku u-hogol tusaaley nayay iney yihiin yihiin waalid kii iyo madax dii berri, sidaa darteed waxaa looga baahan yihiin iney dadaalan oo hor-u-socod noqdaan, si mustaqbal ka iyo aayahoodu aanu u xumaan. Waxaanu kamid ah ereyadan dhumuc da weyn leh:
Ummadan shabaab keedi hannan waayay waa u yaaan xuma e’,
Innamiyo hablahaba waxaad tihiin aaraan kii kacaye
Itaal gabe dadkiinii horre waydiin aragtaane
Idinkaa ammaanada xilkii eeggan qabiilkiye
Iska wax u-qabsada nolosha waa udub dhexaadkiiye
Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagey oohin kugu reebye
Aayantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
Axadkii kalsaan ahi sabool abidkii weeyaane.
waxa layidhaah daa nin ka abwaan ka wuxuu wax ki arkaa meel aaney dadkale waxba ka aragg. waagaas gabyaagu sida fiinnta uga qaylinayay aayatiin ka iyo cidhib dambeed ka dhalinyarada ayaad ilaa hadda mooda in ereyadiisi noqdeen hal bacaad lagu lisey. Marbaan is idhi intaas uun intaad qorto aad tidhaahdid waa maqaal, sabab too ah wuu u-qalmaa inaan kusoo kooba meerisyadaas dartood.
Maqaal kan waxay nu ku lafo guri doona aayaha dambe ee dhalinyarada maanta.
In badan bey dhegahay ga culleen weedha ah , dhalinyaradii berri baad tihiin, su,aasha meesha taalla waxey weeye aawey dhallinyaraddii maanta?
Weli waan raadinaya laylis kaas ah, aawey dhalinyaradi maanta iyo dalka? Ka-sokow intaad u-gudo gelin caqabaddaha hortaagan in la helo dhalin wax ku ool ah oo firfircoon , aan si guud u sharaxo macnaha dhallinyaro.
Dhalinyarro: Dhallinyaro waa da’ada u dhexeysa labo da’a : waa da,ada aad kasoo gudubtey carruurnimo iyo ciilkeed, una sii jeeddo masuulnimo inaad xambaarto, iyo da,a kale oo ah da,a aad u gudbeyso waayeelnimo.
Qiimaha dhalinyarnimada iyo wakhtiga qaaliga ah ee kulamaan, iyo in aakhiro lagu weydiinayo wakhtigaagi dhalinyarnimo waxaad kusoo qaadatay yaa u dhigan sida tan:
- Marka horre da’adii oo dhan ayaa lagu weydiinaya , maxaad ku qabatey? Laakin dhalinyarnimaadi si gaar ah baa laguu weydiinaya.
Taariih da markaad dib-u-halacsato waxaa wax ka geddiyay dhalinyaro ayay ahaayen adoo kale ah, may waden awoodo gaar ah, sagaal bey ku dhasheen, noloshaad ku nooshahey mid 100% ka liidata ayay ku noolaayen, laakiin maxay aaminsanaayeen fikir ka ah iney wax beddeli karaan.
Qollooyin kan philosophers ka ahi waxey ku sheegaan da’ada mucjisadda (age of miracle) , waana da’ada bey dhahaan laga tusaalo qaato ummad meel ku nool aayahooda, sidoo kale waxey tilmaaman iney tahay da,ada shakhsi ahaan meesha laga shidaal qaata ee aayaha qof ka.
Waa kii shaacir kii carbeed lahaa ‘’bal mar uun yaa igu celiya dhallinyarnimadey di, aan uga waramo waxey cirradu I baddey e’, ’’ . Dunidan maanta waxa lagu tar tartamaa maalgashegi dhallinyarada.
Dhalinyarada hadda joogtaa waa kuwo han-himilo midna laheyn, oo u dhaqma sida xayawaan ka, wax masuuliyadd oo saran ma jirto, damiir kii berri horuu dhintay. Is-carruurayn ta iyo mukkur ku waa waxa halkaa maanta dhigey dhalinyaraddi somaaliyeed.
Waa kuwii beddeli lahaa ummad dhan , hoggamin lahaa qaran dhan, haggi lahaa ciidamo dhan. Waar miyaad ka liidataa saxaabigii usama binu sayid, isagoo 18-jir ah buu ciiidamo hoggaaminayay.
Imam bukhaari, isagoo 18-jir ah buu kaatib noqday ama qoraa u-uririya xaddis tii rasuul ka (NNKH), inaad han iyo himilo lahaato waa carris ka ( stimulus) inaad gaadho guul ama dhaqdhaqaaq lagaa hel.
Iskadaa iney qaran dhan maamulaane, naftoodey maamuli kareyn. Kuwo dad ka kamid ah waxaad is-odhaneysaa malaa 20jir kaa ka caqli roon, jiil-ka-jiil aayo maleh, haddii gaar-gaar alle iman,
Xanuunadda diloodey dhalintii soomaliyeed ayaa ah : qabyaaladd, qaad, tahriib. Waa saddex xanuun oo haddii la waasho somaali ka hadheyn, xabad xabbad aan u-dul-istaago :
Qabyaaladdu: waa caabuq carruur iyo cirroole ba lafta ka galey, nin jeclaysi iyo reer jeclaysi iyo waa inaadeer key, waana dabar ka maanta soomaali oo dhan ku xidhan, xanuun kan oo hadda ka hor dhalinta ku dhex jiran, ayaa hadda si xawli ah ugu dhex faafey tanna waxey addin xidh u noqonaysaa iney waxa wada qabsan kari waayaan. Aqoon yahan iyo jaahil ba wey hadheysay qabyaaladdu.
Marbey ugu dhaweyd in somaali qabyaalada laga masaxo , wakhtigaasina wuxuu ahaa kacaan ki MSbarre iyo aasidii qabyalaadda 1970kii. Qabyaaladdii siyaad muu aasine wuu tallaaley baan odhan karaa, waayo ugu dambeyn tii isagaa ku dhaqmey taasi na waxey kuu caddeyneysaa sidaa foosha xun, ee somaali u adeegsato. Qabyaaladd markaad maqasho dad badan baa is odhanaya somaali bey gaar u tahey , waddan ka dhan ee ingiriis ka waxa ka dhacdey qabyaaladdi ugu xumeyd adduun ka, inan iyo hooyadiiba bey ka dhex bilaaban tay, maantana wuu kasoo kabtay oo waa dal iyo dad mideysan.
Laakin, soomaalida waxaad moodaa geeli-jirayaal magaalo ku bar-baarey, waa dad caadifaddeysan markasta iyagaana isku mashquulsan,waa ummad kibir kala qoota, taas na waxaa caddeyn kuu ah sida, maamul gobboleed yadaa u wada sameysteen. Hannan ka dawlladnimo wey ka arradan yihiin, dhagg looma darin il-baxnimada iyo dawlladnimada, inkastoo cimriga taarikheed ee somaalidu gaaban yahay 1960gii bey dawllad yeesheen, kahor dawllad u sameynta iyo guumeysigaba geel-jirayaal duur ka gala bey ahaayeen, taasi na waa sabab ta ugu magac darey ‘’ geel-jirayaal magaalo ku bar-baarey’’.
Qaad : waa geed caggaaran oo inyar maandooriyaa ku jiro, daraasadd la sameeyay dhawaan ayaa sheegeysa in reer somaaliland 75% qayillaan, taasina waxey caqabbad u tahey xidigis ka aqoon-raadis ka.
Dhammaan dhalintii waa naafada qaad ka, qaad ka oo aabbaha wahsiga ah oo ku odhanaya waxba ha qabin iska fadhi saacado isku xiga (consecutive hours) ayaa dhalintii u soo kici laheyd waddan ka dalka hoy u noqdeen, tanna waxey ka mid tahey ayaan-darrada heysata dhalinyaradii somaaliyeed.
Tahriib ka: haddal badan ka odhan mayo arrintaa tahriibta, waayo indhihiina idin ma macallina.
Waddan kan laga tahriibey, yaa u-hadhaya? Dhalinyarada maantu waa aabbayaasha berri, madaxdii berri, hoggaamiyayaashi beri, suldaanaddi berri, cullumaddi berri. taarikh daa xusi doontee,.
Fiiro gaar ah : waxaan idin tuso doona somaaliland oo hal qof oo somaali laga waayey, oromo iyo ajaanib kale ayaa la wareegi doona qarniyadda soo socda amabe 100 ka sanno ee soo socda.
Waxey noqon doonaan ummad bilaa dhul ah (Zero land) waxaa loo aqoonsadaa ummadii banjartay, ummadii fawdada. Ilaahey amarkii……
Haddii iminka wax laga qaban ogsoonow somaali waxey noqon doonta ummad zero land ah, taasi na waatey hadda hayaan keedi heyso. In zero land noqoto ayaa wanaagsan marka loo eego xaaladdey ku sugan tahey hadaa.
Si kastey ahaataba , ummad weliba waxa la yidhaah da, sida dhalinyaradeeda u eegtahay ayay mustqabalkeedu u eekaanaya. Yaa loo aaneyn karaa dib-u-dhaca balaadhan ee ku yimid dhalinyaraddi waddan ka? …..
Eedda ugu weyn waxaan saarayaa madaxda dalka u sarreysa.
§ Dawllad la’aan ta iyo dawllad xumada jirta ayaa loo aaneyn karaa tafaraaruqa iyo rajo xumada dalkooda ka heysta dhalinta.
Mesalan, haddii dawlladu shaqo abuur u sameyso dhalinyarada, waxyaabo badan baa is-beddeli lahaa. 99 percent dhalinyaradu kuma jiraan xaallad deggenaashiyo ( stable condition ).
§ Madax u-ololeysa ama ka fikireysa aayatiin ka ubaxa dalka , haba yaraate ma jirto, mid kastaa wuxuu u dig dig leeyahay waa dantiisa. Hadda markaad maqasho xisbiga labour ka( waxaad filanaysaa inuu yahay xisbiga shaqaalaha), laakin majiraa xisbigaas kale ah oo maanta somaaliland ka jirtaa oo la odhan karaa waa xisbigii shaqaalaha, waa maya jawaabtu.
Si ummad middeysan loo heli, waa in dhalin mideysan la taabo geliyaa.
gunti iyo gebagebidii, waxan naftayda iyo nafihiinaba kula tallinaya in alle towbada ina waafajiyo kuwi alle ka raali noqdana inaga dhigo wa bilaahi tawfiiq.
Author: abdihakim abdilahi Aden
Addis-Ababa Ethiopia
Email: abdi.177@hotmail.com
Senior accountant& senior leader and management.