Dawlada Hoose Ee Magaaladda Istanbul Ee Dalka Turkay-ka Oo Kaa Shanaysa Maamulka Gobolka Banadir Oo Dayactir Ku Samaynaya Jidadka Magaaladda Muqdisho
Muqdisho: 13,June,2014(SDN/QJ)- waxa Maalmihii ugu danbeeyay si weyn uga soconaya Qaar ka tirsan Degmmoyinka Gobolka Banaadir ee Magaaladda Muqdisho oo ay ka wado Dawlada Turkigu.
Dadka reer Muqdisho ayaa Maalmihii ugu danbeeyay indhahoodu qabanayeen Gaadiidka Dayactirka Wadooyinka oo Jidadka Burburay ee Magaaladda Muqdisho kula dhaqaaqay Dayactir Xoogan iyo Banaynta ku Xidhmay.taas oo Yididiilo Xoogan Galisay Dadka reer Muqdisho oo ay Dhagahooda iyo Indhahoodaba daashadeen Qaraxyada,Dagaalada iyo Waxyeeladoodu.
Mashruucan haatan socda ayaa la sheegayaa inay Fulinayso Dawladda Hoose ee Magaaladda Istanbul ee Wadanka Turkiga.
Xidhiidhiyaha Dawladda Hoose ee Magaaladda Istanbul iyo Maamulka Gobolka Banadir,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay u sheegay in howllahan dhismaha ay qeyb ka tahay mashaariicda dalka dib loogu dhisayo magaalada Muqdisho.
SDN/QJ-Muqdisho,Somalia