U.S. Gen. Jami Shawley oo Berbera ku sheegtay Soomaaliya
Berbera December 20, 2022 (QJ) – Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika iyo dalka Yemen Jeneraal Jami Shawley ayaa booqatay dekedda Magaalada Berbera.
Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland Nuux Taani iyo Axmed Hurre Haariye ayaa ku qaabilay dekeda Magaalada Berbera Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Geeska Afrika iyo dalka Yemen.
Janeral Jami ayaa sheegtay barteeda Twiterka ku baahisay “Waxaan dhawaan booqasho aad u wanaagsan ku tagay gobolka Somaliland ee Soomaaliya, halkaas oo aniga iyo kooxdayda aanu qiimaynay awoodda dekedda Berbera ee ka dejinta gargaarka bini’aadantinimo mustaqbalka.
Hadalka Jami ayaa ka duwan fasiraada Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Muuse Biixi oo sheegtay in Mareykanku heshiis toos ah la yeelanayo Somaliland.
Safarka ayaa imanaya xili Baarlamaanka mareykanku dhawaan ansixiyay xeer miisaniyaddedka ciidamada oo faraya waaxda difaaca dalkaa in uu la macaamilo dawlada, maamul goboleedyada oo Somalilandna ku jirto.