Turkiga oo shidaal baaris ka sameynaya Soomaaliya
Ankara March 07, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa heshiis la gaaray Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayeynayo kaarboonka Soomaaliya iyo sidii looga faa’ideysan lahaa.
Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku ansixiyeen heshiiskan, waxaana wax yar kadib sidoo kale ansixiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo heshiiska ayaa bogaadiyay taageerada Turkiga ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka caawiyay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta, la dagaalanka argagixisada, iyo taageero dhaqaale, sida kabka miisaaniyada.
Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay muddo dheer la ildaran tahay kaluumeysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo biyaheeda, balse aysan weli helin kaalmo ku filan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu cadeeyay in codsiga Somalia ee ku aadan kaalmada Turkiga uusan ka turjumeynin cadaawad loo qabo Ethiopia ama ujeedo colaadeed. Ujeeddadu, ayuu sheegay, inay tahay oo keliya inaan ilaalino baddeena maadaama aaney jirin awood difaac.