|

Turkiga oo sheegay in uu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya

Antalya March 03, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya kula kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Kulanka oo ka dhacay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo caalamka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in Turkiga uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday inay ka go’an tahay sare u qaadista iskaashiga dhanka difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa muujiyay sida ay Turkigu diyaar ugu yihiin ka qayb qaadashada dadaallada dhex dhexaadinta ee lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa imaanaya maalmo kadib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, iyadoo Soomaaliya ay muujisay sida ay u dooneyso Turkiga in uu taageero dadaallada lagu sugayo amniga badda Soomaaliya.

Comments are closed