|

Turkiga oo gargaar gaarsiiyay Muqdisho

Muqdisho October 19, 2024(QJ)-Markab ay leedahay dowladda Turkiga oo sida gargaar bani’aadanimo oo aad u badan ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada uu Turkigu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Markabkan oo si gaar ah loogu soo diray Soomaaliya ayaa sida raashin, dawooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, si wax looga qabto baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira dalka.

Munaasabad kooban oo lagu guddoominayay deeqdan ayaa ka dhacday dekedda, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa si rasmi ah uga guddoomay deeqdan, isagoo uga mahad-celiyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Turkiga ayaa inta badan gargaar bini’aadantinimo u soo dira Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada abaaruhu saameeyeen dadka danyarta ah iyo marka ay jiraan xaalado kale oo halis ah. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana sanadihii ugu dambeeyay sii xoogeysanayay xiriirka labada dal. Shixnaddan gargaarka ah ee ugu dambeysay waxay astaan ​​u tahay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay ka caawiyaan dadka Soomaaliyeed si ay u yareeyaan baahiyahooda bini’aadantinimo iyo caqabadaha jira.

Comments are closed