|

Turkiga iyo Itoobiya oo ka wadhadlay badda Soomaaliya

Addis Ababa August 05, 2024(QJ)-Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.
Turkiga ayaa sheegay in socdaalkan uu qeyb ka yahay dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ee lagu xalinayo khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Fidan ayaa sidoo kale la kulamay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie. Booqashadan ayaa la filayaa inay qaadato dhowr maalmood.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa tilmaantay in waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika.
Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Fidan iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay taageero ka raadineyso Turkiga si ay isaga difaacdo haddii Itoobiya ay xoog u adeegsato.

Comments are closed