TPLF oo Ereteriya ku eedaysay in ay jabinayso heshiiskii ay xukuumadda dhexe la gashay
Jigjiga. 20 November, 2022. (QJ)- Warbaahinta ku hadasha afka kooxda TPLF ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada Ereteriya iyo dawladda dalkaasiba ay wadaan tallaabooyin lagu car qaladaynayo heshiiskii ay wada agadheen kooxda TPLF iyo xukuumadda dhexe ee dalka Itoboiya.
Tigraygu waxya amr akle ku eedeeyeen Ereteriya in ayw ado dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dagaalamaaysha TPLF arinatas oo meel akd hac ku ah heshiiskii ay wada galeen TPLF iyo xukuumadda Abiy Axmed. Waxyna ku baaqeen in ay hore ciidamada Ereteriya uga baxaan gobolka.
Ma jirow arar kale oo xaqiijinaya arintan marka laga tago warka warbaahinta ku hadasha afka TPLF iyadoo ay yaryihiin wararka lagu kalsoonaan akro ee waqooyiga Itoobiya ka imanaya maadaama aanay jirin saxaafad kale oo mada banaan oo gobolka ka hawl gasha.
Dhanka dawladda Itoobiya, ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxya dhankooda oo arintan beeninaya ama xaqiijinaya balse hore ayay xukuumadda Abiy Axmed u sheegtay in heshiiska kadib ay tahay ciidamada Ereteriya in ay iskaga abxaan gobolka oo dhan oo aanay jirin sabab ay usii joogaan.
Waqooyiga Itoobiya waxa labadii sanno ee lasoo dhaafay ka socday dagaal u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo sidoo kale kooxda TPLF balse dagaalka ayaa heshiis laga agadhay kadib wada hadalo ka dhacya wadamada Koonfur Afrika iyo Kenya kuwaas oo Midawga Afrika ay soo wadeen in muddo ah.