|

TPLF oo diiday in ay dhigto hubka isla markaana shuruud ku xidhay

Jigjiga. 22 November, 2022. (QJ)- Kooxda TPLF ee ka dagaalanta waqooyiga dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in aanay dhigayn hubka iyadoo shuruud cusub ku xidhay in dagaalamayaasha TPLF ay hubka dhigaan.

Afhyeenka TPLF ayaa sheegay in ugu horayn ay dalbanayaan in ciidamada Ereteriya iyo kuwa Amxaaradu ay ka baxaan gudaha gobolka Tigrayga ee Itoobiya kadibna ay aqbali doonaan heshiiskii hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF.

Heshiis ay wada gaadheen Itoobiya iyo madaxda kooxda TPLF ayay ku xusnayd in dagaalamayaasha TPLF ay hubka dhigaan isla markaana gobolka algu wareejiyo dawladda Itoobiya balse ay ciidamada kalana ka baxaan gobolka sida kuwa Amxaarada iyo kuwa Ereteriya.

Dagaalka Itoobiya oo laba sanno socday ayay ku anfwaayeen kumanaan qof halka malaayiin kalana ay ku baro akceen.

Comments are closed