|

TOP NEWS : Xukuumadda Siilaanyo oo Shirkado Ganacsi ka iibisay Qaybo ka mid ah Dhulka Idaacada iyo magacyada Wasiirro Ka Dillaalay

Hargaysa Mar 26,2015(SDN/QJ)  Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo ayaa utafaxaydatay inay Boobto Dhulka dowlada iyadoo  Meelaha ay kamidka tahay Wasaarada Warfaafinta iyo Gaashaandhiguba aan laga dhex samayn karin Goobo Ganacsi.

Shirkada Ganacsiga ee Dahab-Shiil ayaa Wasiiro adeegsanaaya Awooda Siilaanyo Si badheedha uga iibiyeen Qaybo ka mid ah Dhulka Idaacada  oo aan sida sharciga ah la ogolayn in xarumaha kuyaala aan loo dhawaan balse waxa si toosa looga iibiyey iyadoo Malaayiin Dolar laga qaaday Dhanka Bari ee Idaacada Radio Hargaysa ee ay Wado udhaxayso Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Cali Ibraahin .

Xarunta Ganacsi ee Dahab-Shiil kuleeyey agagaarkaa ayaa ahayd mid suuqa kutaal goobtana ujirta ilaa 3km halkaas oo uu mudo kujiray balse uu haatan ku talo galay inuu boobo dhulka idaacada isagoo adeegsanaaya Lacag iyo Awooda Madaxtooyad.

Ilo Wareedyo aanu ka helney Nimankii Dhulka Qiyaasaayey ayaa Rasmimedaia u xaqiijiyey  in Wasiirada Dilaalka iyo Lacagta kala Goostay ee Midba in Qaatay ay kala yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Warfaafinta C/laahi Daahir Cakuse Waxaanay Dhulkan usaxeexeen Ganacsadahaa Dahabshiil oo Isagu intii ay dowladani jirtay ka faaidaystay boobka hantida danta guud isagoo lacagtiisa iyo awooda madaxtooyada Adeegsanaya.

Waa markii ugu horeysey ee Idaacada Radio Hargaysa Qayb kamida la iibsaday iyadoo ay ahayd in aan dhulka warbaahinta oo ah halbole loo dhawaado waxaana dhicikarta in ay khatar badani katimaado taas oo warbaahinta galinkarta dhib iyo khalkahal.

Isku soo wada duuboo Arintan ayaa kamid noqonaysa Boobka lagu Hayo Hantida Qaranka ee sida Badheedhka ah loogu tagrifalaayo iyadoo loo adeegsanaayo awooda Qoyska madaxtooyada kataliya oo iyagu noqday qoyskii ugu boobka badnaa iyagoo Malaayiin Doolar ku iibsaday Guryo kuyaal Dalal kamida Yurub.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed