Toogasho dad ku dhinteen oo mar kale Mareykanka ka dhacaday
Frankstown Dec22,2012(SDN)-Waxa markale dalka Mareykanka looga barooranayaa toogasho dad shicib ahi ay ku dhinteen oo ka dhacday gobolka Pennsylvania shalay gelinkii danbe.
Toogashadan ayaa soo shaac baxday kolkii mar qura uun la arkay nin gaadhi uu watay la beegsaday mid ka mida gaawaarida Booliska ka dibna rasaas ooda uga qaaday.
Booliska ayaa rasaas ay isku difacayeen ku dilay ninkan aan la garaneyn cida uu yahay iyo sababta uu rasaasta u furay.
Mudo kooban ka dibna waxa soo shaac baxday in ninkani uu toogasho ku dilay sadex ruux oo kale.
Sadexda Ruux ayaan aheyn qaar uu hore u garanayay isla markaana Booliska ayaa dhacdadan la yaabka leh baaritaan ku haya.
Waxa Mareykanka bilihii u danbeeyay ku soo badanaya rag toogaho ku laaya shicib aan waxba galabsan.
Doodaha ugu badan ee haatan la isweydaarsanayo dalka Mareykanka iyo dunida reer galbeedka ayaa salka ku heysa xakameynta hubka darandooriga u dhaca o loo isticmaalo falal danbiyeedyadan naxdinta leh.
Dastuurka Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeedka ahi waxa ay dhigayaan in muwaadiniintu xaq u leeyiihiin in ay is hubeeyaan.
Madaxweyne Obama ayaa haatan wada dedaal lagu adkeynayo shuruucda hubka isla markaana lagu mamnuucayo hubka darandooriga u dhaca.
SDN-Frankstown
contact@somalidiasporanews.com