|

Todoba Qof oo looga Shaki san yahay falal amni daro oo lagu qabtay Hawl galo

Muqdisho 27.June 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay toddobo qof oo looga shakisan yahay falal amni-darro, kaddib markii ay howlgallo ka sameeyeen qaar ka tirsan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa isgoysyada waddooyinka ku baarayay gaadiidka iyo dadka saaran.

Afhayeenka booliska, Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay degmada Wardhiigley ayaa sheegay in dadka ay howlgalka  ku soo qabteen uu ku socdo baaritaan.

Wuxuu xusay in howlgalka lagu soo beegay bisha barakeysan ee Ramadan, isla markaana la joojiyay damaashaadka ay dadku ku tagaan Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis inta lagu jiro Soonka.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed