Toban Sanno Guurada Aasaaska Dalada Sonyo oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 06.June (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, C/raxmaan Cabdillahi Ismaaciil –Saylici- ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyey sanad guurada tobnaad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Daladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirada wasaaradaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha,dib-u-dejinta, xanaanada xoolaha iyo masuuliyiin kale,ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha daladda dhalinyarada ee SONYO Mubaarik ismaaciil Taani,waxa uu kagaga waramay marxaladihii kaladuwaa ee uu soo maray ururka dhalinyarada Sonyo,waxyaabihii u qabsoomay iyo higsigooda mustaqbaklka.
Gudomiyuhu wuxuu ku dhaaraaday dhibaatada ay Tahriibtu ku hayso da’yarta iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in wax looga qabto dhibaatadaas, waxaanuu xukuumada u soo jeediyey,inay si dhakhso ah ugu dhaqaaqdo tallaabooyin wax lagaga qabanayo tahriibka iyo hiyi kaca dhalinta.
Wasiirka dhalinyarada iyo xciyaaraha Mud, Cali Siciid Raygal, ayaa isna kulankaa ka sheegay,doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha dalka,waxaanuu carrabka ku ad-keeyey,dhibaatada tahriibtu ay ku hayso mustaqbalka dhalin yarada iyo sida loogu baahan yahay in layska kaashado sidii loo xakamayn lahaa dhibaatadaas aafada ku noqotay dhalin yarada. Waxaanuu wasiirku halkaa ka ballan qaaday in daladda dhalin yarada ee SONYO ay xukuumaddu siin doonto dhul ay xarun ka dhistaan.waxa kaleoo isna halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed, waxaanuu ka hadlay dhalinyarada iyo dhibaatada tahriibtu ku hayso iyo sidii mustaqbalkooda looga shaqayn lahaa.
Munaasibadan oo ka dhacday Magaalada Hargeysa xalay waxa geba-gebadii hadal ka soo jeediyey Madaxweyne xigeenka Somaliland Mud,C/raxmaan C/llaahi ismaaciil,waxaanuu ka hadlay qiimaha dhalinyaradu ay qaranka ku leeyihiin,waxaanuu tilmaamay in mar kasta waajib tahay in laga shaqeeyo mustaqbalkooda iyo sidii loogu diyaarin lahaa inay dalkooda ku negaadaan oo ay baaqsadaan tahriibka,isla markaanalaysaga kaashan lahaa in laga hawl-galo sidii wax looga qaban lahaa hiyi-kaca tahriibku ku keenay dhalinta.
Waxaanuu Ururka dhalinyarada SONYO uu halkaa ku Gudoon-siiyeen M/weyne ku-xigeenka iyo xubno ka mid ah Ururka shahaada sharafyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com