|

Toban Kamid ah Dalalka Carabta Oo Taageero u Muujiyey Dagaalka ka Dhanka ah Daacish iyo Ruushka Oo Hanjabaad Diray

Jeddah:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Dhawaaqii maraykanka ee ahaa inuu xulufo caalami ah u raadinayo dagaalka uu ku hayo kooxda Daacish, ayaa  taageero helaya, waxana Kaalintooda qaadanaya Dawladaha islaamka ah.

shipIlaa iyo Haatan Toban ka mid ah dalalka carabta ayaa ku dhawaaay inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka kooxda Dacish, isla-markaana ay garab siinayaan maraykanka.

Dalalkan ayaa kulan ay wakiilo ka socda kula qaateen xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry magaalada Jeddah waxa ay sheegeen in ay dhiibayaan taageero milatari iyo gargaar bani’aadanimo sidoo kalana ay joojinayaan lacagaha iyo dadka ajnabiga ah ee ku biiraya ururka IS.

Hase ahaatee dowlada Ruushka ayaa ka digtay in maraykanku uu sii ballaadhayo weerarada xagga cirka ah ee dalka Ciraaq inay gaadho wadanka deriska la ah ee Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka ayaa sheegay in iyadoo aan laga helin wax oggolaansho ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in falkaas uu noqonayo mid xadgudub iyo gardarro ah.

Arbacadii ayuu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu sheegay in uu bilaabayo weeraro lagu burburinayo ururka IS waxana uu shaaca ka qaaday in uu fasaxay in la duqeeyo fadhiisimada ururka IS ay ku leeyihiin dalka Siiriya.

Dalalka oggolaaday inay ka qeybgalaan la dagaalanka ururka IS ayaa waxa ay kala yihiin Bahrain, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Oman, Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta.

War murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen wakiilo ka socday wadamadan iyo dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in ka go’an tahay inay meel uga soo wadajeestaan la dagaalanka ururka IS gudaha dalka Ciraaq iyo wadanka Siiriyaba.

Hase ahaatee wadanka xubinta ka ah gaashaanbuurta Nato ee Turkey ayaa wakiil ka socday waxa uu goobjoog ka ahaa kulanka ka dhacay Jeddah, balse ma saxeexin heshiiska ay gaadheen wadamada carabta ah iyo dowlada Maraykanka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed