TIX GABAY AH OO LAGU MAGACABO ” DHEEHA” . Mohamoud Hassan Arrale
Tixdan gabayga ahi waxay ka jurjumaysaa xaaladda dalku maanta uu maraayo iyo sida gaabiska ay u tahay higsigii qarnimo oo 23 sanno ka hor ilmihii rajadda ku dhashay isagoo aan rajo fiicani umuuqan uu ku ubad dhalay.
Waxay kaloo maansadu tilmaamaysaa in kuwii loo igmaday ay dhuunta jarayaan xilkii loo igmaday ee qaran nimo tiiyoo ay kobkinayaa qabyaaladda , laaluushka iyo rajo xumadda dalka ku habsatay kuna wadaan waddadii lixdankii la mariyey naruuraddii xoriyadda.
Waxay kaloo tibaaxaysaan maansaddu in dhismahii wada lahaansha qaranimo meesha ka baxay oo beelo gaari ay isku eryanayaa xukunka iyo dheefta dalkan Somaliland iyadoo dadkii hormoodka noqon lahaa rag iyo dumarba jabaq raac la noqday sanqadh dhegaysiya oo intii xilka haysayna ku mashquulsan thay danaysi gaar ah.
Waxay kaloo maansadu ku guubaabinaysa dadka in haddii aan runta qarannimo loo soo noqon arinkana aan dhexda la keenin in iska daa inta dhib u soo jooga hayd iyo inta labaatan jirsatay ee ku dhalatay iyo kuway ku daleen facaasi ee ka danbeeyaba in ay wax rajo ah yeelandooni haddii aan sidan waxba laga bedelin oo xaladu ay seddex fac sidaaku adhabqanaandoonto (1960 -2035) illah kama dhigee.
Haddaba sidaan xaaladaasi u dhicin waa in laga tashaddo siddii laga yeelilahaa doorashooyinka 2015 ka dalkana si nabad gelya ah uga qabsoomi lahaayeen wixii khilaaf iyo tabasho ah ee dalka ka taganna loo soo af jari lahaa doorashooyinka ka hor.
Akhris wacan
-
Dadkan dhedadu fushow hadmaad dhugan halkaan joogno
-
Ma labaantan baa ay dhantay dhawrana kor u dhaaftay
-
Ma ninkii dhashaa ay ciradu dhooban tahay caawa
-
Ma hashuu ka dhereg sugayey ba dhigin waxay qaaday
-
Miyey dhaaftay goortuu lahaa haatan way dhali
-
mise waa dhursuge dhoohanow uumabay dhicine
-
Lixdankii xeradii loo dhigay dhugato naafooyday
-
Ee jeelku dhamandaadiye dhuuryadu u heestay
-
Ee dhaawac socodkii guryaha dhab ugu soo luudshay
-
Waa laga dhursugaye inay dhaanto tii shalaye
-
waa tulud ninkii dhaqilahaa dhuunta jarayaaye
-
oo ay dhanbalayaan lafaha dhuuxo yuurure
-
Dheelalow miyuu galay kuwu dhibayey mamuusku
-
in ay dhuftaan oy dhurtaan oy dheregto mooyaane
-
dhex wixii u yaal iyo majiro dhugasho meeldheere
-
Ma dhiifoona xeerbeegtii dhex u ahaanleyde
-
Dhaanwaduhu dhoomiha guntii dhawac kaga reebye
-
Way dhiigbaxaysa sidii uu dhurwaa cunaye
-
Nin waliba u soo dhigay in uu dhisha buuxsado e
-
Waa la kala dhacayaa sidii dheeha booliye
-
Anaa reer dhammaysaa intaa lagu dhawaaqaye
-
dhexda waxay u giijaan qabiil qarana waa dhawe
-
Odayaal dhadhama wererara iyo dumar dhawaaq raaca
-
Dhalinyaro la soo tabtay iyo weriye dheefdoona
-
intaas oo wax loo dhiibay iyo dhiilo ku macaasha
-
ayaa dhooban ciidoo ba’ashay qaran dhegtiisi
-
Maxay dheeho daraartaa haddaan bahalba dhaafaynin
-
dhafoorkay kutaal Dacadow kii dhibsanyaaye
-
dhacamaha haddaan loo adkayn oo dhawrtadda la waabin
-
oo wixii dhib soo gaadhay iyo dhiifta laga baanan
-
oo aan dhex loo wada ahaan dhaqan wadaageeda
-
saw kala dhaqaaq iyo jab iyo hooy dheg xumo maaha.
-
Intii dheeha foolcelinisay waaba dhib u jooge
-
Sow kii dhashow kaad dhashaa isana dhaxan u joog maaha.