|

Tiro Siyaasiyiina Oo Xilal Culus Ka soo Qabtay Xukuumada Siilanyo Oo La Filaayo Inay ku Biiran Xisbiga Wadani

wadani

Hargeisa 6/11/2014(SDN/QJ)Tiro siyaasiyiin ah oo gaadhaysa ilaa iyo Shan Iyo Toban (15)Siyaasi Iyo Taageerayaashoodii Ayaa La Filayaa Inay Maalmaha Soo Socda Ay Si Rasmiya Ugu Biiraan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Isagu Hada Ugu Dhaq Dhaqaaq Badan Xisbiyada Dalka Siyaasiyiintan Oo Intooda Badani Ay Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay Xukuumada Hada Jirta Ee Madaxweyne Siilaanyo, Ayaa Isku Bahaystay Sidii Xilka Qaranka Looga Xayuubin Lahaa Doorashada Soo Socota Taas Oo Ay U Arkaan In Aanay Gaadhsiin Karin Dalka Hankii Shacabku Lahaa Balse Ay Dhabar Jab Ku Tahay Hanaan Socodka Nidaamka Maamul Ee Dalka Somaliland.

Siyaasiyiintan Oo Ay Hogaaminayaan Sida Ay Shabakada Gobanimo U Xaqiijiyeen Ilo Wadareedyo Ku Dhaw Siyaasiyiintan Ayaa Waxa Hogaaminaaya Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Boobe Iyo Gudoomiyahii Gobalada Maroodi Jex Iyo Togdheer Axmed Xamarji Iyada Oo Ay Ku Waheliyaan Wasiirkii Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Iyo Ciyaaraha Mr.Faaahiye Iyo Sidoo Kale Muj. Dhagaweyne Waxaana La Filayaa In Todobaadka Dambe Ay Ku Biiraan Waddani Iyada Oo Xaflada Soo Dhaweynta Loo Samayndoono.

XIGASHO GOBANIMO

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed