|

Tiro ka Tirsan Ciidanka Somaliland ee Aagga Bariga Sanaag Oo Isu Dhiibay Maamulka Puntland

Garowe:22-April-2014(SDN/QJ)-Caasimadda Puntland ee Garowe waxa Galabnimadii shalay lagu soo Dhaweeyey Ciidamo ka Tirsanaa kuwa Somaliland oo Fadhiisimo ku lahaa Deegaanada Carmaale iuyo Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kuwaas oo isku dhiiba Maamulka Puntlnad.

???????????????????????????????Gaashaanle sare Maxamed Saalax Tus-baxle oo ahaa taliyaha ciidamada Soomaaliland ee bariga Sanaag ayaa horkacayey ciidamada oo ku dhow ilaa 200 oo askari, in kastoo bandhiga Garoowe yimid ay ahaayeen saraakiisha iyo ilaa 40 askari.

 

Waxaa ku weheliyey soo goosadka saraakiisha Soomaaliland ka tirsanaa qaar ka mid ah isu-dawayaasha wasaaradaha Soomaaliland ee gobolka Sanaag oo iyana u soo weecday dhanka Puntland.

 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal, xildhibaano, taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland iyo saraakiil kale ayaa deegaanka suna-jiif ee gobolka Nugaal ku soo dhoweeyey ciidamada iyo saraakiisha soo goostay ee Soomaaliland.

 

Ciidamada Soomaaliland ee Aaga Sanaag ayaa ah kuwa mudo fadhiisimo ku lahaa deegaankaas, waxayna sheegeen in ay go’aansadeen in ay ku soo biiraan Puntland kadib markii xaqiiqsadeen doonitaanka  Soomaaliland ee ah in ay si jabhadaysi ah uga taliso gobolka Sanaag.

 

Saraakiisha iyo ciidamada yimid Garoowe ee ka soo goostay Soomaaliland waxay wateen gaadiid dagaal, ciidamada intooda badan ayaa ku soo biiray fadhiisimaha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag gaar ahaan Badhan ilaa iyo Dhahar.

Madaxda Sare ee Somaliland ayaa iyagu wax jawaab ah ka Bixin Ciidamadan ay Warbaahintu baahisay oo aan dhammaantood la wada arkin, balse kaliya laga arkay  Tiro saraakiil ah.

 

S.D.N/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed