Tiro dad ah oo Waxyeelo ka Soo gaadhay Qarax Gaadhi oo ka dhacay Muqdisho iyo Dalewarkii Gaadhigaas oo Gacanta lagu dhigay
Muqdisho 25.Oct 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, shan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Qarax maanta ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ka dib markii Gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay Jidkaas.
Gaadhiga ayaa ku qarxay afaafka hore Hoteel Golden oo ku yaalla Isgoyska Shaqaalaha oo kasoo horjeeda Guriga Shaqaalaha oo xarun u ah Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Baabuurka waxaa la dhigay hoteel Golden hortiisa, si lama filaan ah ayuu u qarxay, waxaa arkay dhimashada saddex ruux, shan kalena way ku dhaawacmeen.” Sidaa waxa Hiiraan.com oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegay Goob-jooge ku sugnaa meel ku dhaw halka qaraxu ka dhacay markii uu qaraxaasi dhacayey.
Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladdu ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaariga qarxay, iyadoo aan la ogeyn in gaariga uu yahay mid lagu soo xiray qaraxa iyo mid lagu talo-galay.
Hay’adaha amniga dowladda ayaan weli ka hadlin qaraxa gaarigan, iyadoo ay tani kusoo beegmayso xilli ay wasaaradda amniga dhawaan soo saartay amar ah in xaruntii ganacsi ee uu gaari horteeda ku qarxa wax laga weydiin doono milkiilaha xaruntaas.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, iyadoo qaraxyo ka dhacay dhawaan Muqdisho xilliyo habeen ah ay mas’uuliyooda xilli dambe sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com