|

Tirinta codadakii doorashooyinka oo la soo gebagebeeyay

Hargeysa November 15, 2024(QJ)-Tirinta codadka doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ayaa la soo gebagebeeyey dhammaan 2,337 goobood oo codbixineed.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in Komishanka oo kaliya loo ogol yahay inay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah, waxaanu ka digay inay faafiyaan natiijada rasmiga ah.

Saadushuna waxa ay tahay in Musharaxa Xisbiga Waddani uu u muuqdo in uu ku horeeyay tirada codadka ilaa haatan la tiriyay.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka dib marka la xaqiijiyo, iyadoo natiijada rasmiga ah la filayo 21-ka bishan.

Leave a Reply