|

Tirada dadka ku dhintay duqeymaha reer Galbeedka ee Ciraaq oo la shaaciyay

London Nov 13,2014(SDN/QJ)-Duqeymaha duyuuradaha huwanta reer Galbeedka ka fuliyeen degaanada ay ka arimiyaan kooxda Daacish ayaa waxa ku dhintay dagaalyahano iyo dad rayid ah.

Sidaa waxa magaalada London ku soo bandhigay koox u ololeysa isbedel siyaasadeed oo dalka Syiria ka dhaca oo la yiraahdo Syrian Observatory.

Kooxdan ayaa shaacisay in dad tiradoodu tahay ay tahay 860 ruux ay ilaa iyo haatan weerarada ku geeriyoodeen.

Kooxdan Syrian Observatory waxa kale oo ay sheegeen in dad weeraradan ku dhintay ay ka mid ahaayeen 50 ruux oo rayid ah oo ay Dumar iyo Caruuriba ka mid ahaayeen.

Reer Galbeedka ayaa duqeymahooda bilaabay ka ib kolkii la waayay ciidan cagta ah oo degaanka ka socda oo babac dhigi kara Daacish oo degaano baaxad leh mudo kooban ku qabsaday.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed