Tirada dad ku dhintay Danab ku dhacay Shabeelada dhexe oo kor u kacday
Jawhar 11.May 2014 (SDN/QJ)- Wararka ka imanayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegayo in ay sii kordheyso tirada dadka ku dhintay biriq shalay gelinkii dambe ku dhacday meel u dhow tuulada Biyo-Cadde oo 40Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Jowhar.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhimashadu ay hadda mareyso ilaa saddex qof kaddib markii laba qof oo ku dhaawacmay biriqda ay geeriyoodeen xalay.
Muqtaar Ciise Macallin oo ah mid kamid ah ehelada dadka ku dhintay dhacdadan ayaa xaqiijiyey dhimashada laba ruux oo uu sheegay in ay qabeen dhaawacyo culus.
Biriqda ayaa ka dambeysay kaddib roobab xooggan oo gobolka ka da’ay.
Jawhar SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com