Tirada Baabuur kuwa Dagaalka ah oo Talyaanigu ku wareejiyey Soomaaliya
Muqdisho 06.March 2015 (SDN/QJ)-:- Dawladda Talyaaniga, ayaa Gaadiid Kuwa Ciidammada ah ah, una badan kuwa ay Millaterigu isticmaalaan oo Konton Gaadhi ka badan ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasoo kaabis weyn u noqonaya Awoodda Qalab iyo Gaadiid ee Ciidammada Federaalka Somalia.
Kulan lagu qabtay gudaha Dekedda caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo lagula kala wareegay Gawaadhidan ama Baabuurtan Ciidan ee Nooca dagaalka u badan, ayay goob-joog ka ahaayeen Saraakiil ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga iyo Masuuliyiin dawladdaas ka socday iyo sidoo kale, Saraakiisha Ciidammada iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya. Waxaana Gaadiidkan laga dejiyey Dekedda Muqdisho oo Markab Italy leedahay oo Talyaaniga ka qaaday uu gaadhsiiyey, kuwaasoo isla saaka la rogay ama la dejiyo.
Masuuliyiin u hadlay Wasaaradaha Gaashaandhigga ee dawladaha Soomaaliya iyo Talyaniga, ayaa sheegay inay Gaadiidkan oo tiradoodu dhan tahay Konton iyo Afar Baabuur (54 Gaadhi), ay isticmaali doonaan oo lagu qalabayn doono Ciidammada kala duwan ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan inta ugu badan Millateriga, sidoo kalena lagu qalabayn doono Ciidammada Booliska, Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya.
Bernando Mencaraglia oo ah Sarkaal ka socday Wasaaarada Gaashandhiga Talyaaniga, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay Wareejinta ay dawladda Soomaaliya ku wareejinayaan Gaadiidkan kuwa Ciidanka ah oo uu xusay inay qayb ka yihiin Ballan-qaadyo ay dawladda Talyaanigu hore ugu samaysay dhiggeeda Soomaaliya oo ay dhinacyo kala duwan ka caawin doonto oo Ciidammadu ka mid yihiin.
Taliyaha Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya Gen: Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo isaguna kulankaas Gaadiidka lagula kala wareegay ka hadlay, ayaa dawladda Talyaaniga uga mahad-celiyey Caawimadan Baabuurta dagaalka ah ee ay soo gaadhsiisay.
Taliye Indha-qarshe waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Gawaadhidan la soo gaadhsiiyey ee ay Khamiistii la wareegeen, kuwaasoo uu sheegay inay qayb laxaadleh ka qaadanayaan dhismaha iyo qalabaynta Ciidammada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay inaanay ahayn markii koowaad ee ay Talyanigu Gaadiid Ciidan soo gaadhsiiyaan Soomaaliya, balse marar hore ay taageeradan oo kale sameeyeen.
Dawladda Soomaaliya, ayaa tan iyo markii Cuna-qabatayntii dhinaca Hubka ee la saaray markii dawladdii Milleriga ahayd ee Soomaaliya Burburtay laga khafiifiyey sannadii hore, waxay heshay Caawimo Millateri oo Gaadiid iyo Hubba isugu jirta oo kor loogu qaadayo ama lagu kobcinayo Ciidammada kala duwan ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ