Timirtuna waxay leedahay Faa’iidooyin fara badan oo ay ka mid yihiin:- Qallinkii Deeqa Cali Saalax
1. Waxay hoos u dhigtaa Colistrolka dhiiga, waxayna ka badbaadisaa qofka in xididadiisu adkaadaan, iyadoo ay ku jirto maadada Albaktiin la yiraahdo
2. Ilkaha waxay ka ilaalisa suuska iyadoo uu ku jiro maadada faloorka la yiraahdo
3. Waxay ka ilaalisaa korka sunta iyadoo ay ku jirto madooyinka kala ah : Calcium, Foosfor iyo Vitamin A
4. Waxay daaweysaa dhiig yarida, (anemia) waxaana ku jira Bir, naxaas, Vitamin B2
5. Waxay daaweysaa timirtu curyaanimada iyo lafa jileeca iyadoo ay ku jirto Calcium, Foosfor iyo Vitamin A
6. Wax ay ufurtaa dadka cuntada, xusuus yarida waa daaweysaa iyadoo ay ku jirto Bootaasiyom
7. Tabar darida guud bay daaweysaa iyo wadna garaaca iyadoo ay ku jirto timirta Macnisium iyo Naxaas
8. Waxay daawo u tahay romatisamka iyo kansarka maskaxda iyadoo ay ku jirto maadada Boroon la yiraahdo.
9. Waxay ka hortagtaa kansarka iyadoo uu ku jiro maadada silinyam, waxaana la ilaaleeyay in dadka dega waabiyada timirtu ka baxdo, in aanay aqoon cudurka kansarka
10. Waxay ka difaacdaa xiidmaha adag cudurka kansarka, iyadoo ka hortagta cudurka baawasiirka, iyo dhagaxa fariista xiniinyaha.
11. Tabar darida raganimada ayey daawo u tahay iyadoo ay ku jirto Yooroon iyo Vitamin A
13. Haraga adkaada ayey daawo u tahay, iyo isha guraxeeda marka uu dhacaanku ka dhamaado, iyo indha habeenada iyadoo ay ku jirto Vitamin A.
Deeqa Cali Saalax