Tijaabi Aqoontaada Diinta Islamka oo ka Jawaab suaalahan
Berlin 07,2012(SDN)-Waa qoraaldeenii taxanaha Ramadaanta iyo tijaabi aqoontaada diimeed adigoon jawaabaha eegin fadlan.
1-Su’aal Sheeg magaca Khaalid Bin Waliid Rc hooyadii?
2-Su’aal Sheeg ruuxii ugu horeeyay ee Islaamnimo ku Shahiida?
3-Su’aal Sheeg gabadhii ugu horeysay ee Islaamnimo ku Shahiido?
4-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo Islaamay Khaalid Bin Waliid.
5-Su’aal Sheeg Asxaabigii bur-buriyey Sanamkii Cuzaa?
6-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyay ee Falar Dar Allah u diray?
8-Su’aal Sheeg Bilaal IBin Rawaaxa Rc, Yuu Addoon u ahaa?
9-Su’aal Sheeg Tirada Gaaladdii lagu dilay dagaalkii Beder?
JAWAABO
J1: Waxaa la’ oran jiran Lasmaa Bintu Xaarith
J2: Waxaa weeye Yaasir Bin Camar Rc.
J3: Waxaa weeye Sumaya.
J4: Wuxuu soo Islaamay bishii Safar sanadkii 8-aad ee Hijriyada.
J5: Waa Khaalid Bin Waliid Rc.
J6: Waa Asxaabigii weynaa ee Abuu Cubeydah.
J7: Waa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
J8: Wuxu Addoon u ahaa Umaya Binu Khalaf.
J9: Waxa lagu dilay 70 Gaalo.
Waxaa isugu kaayo soo dubarida walaalkeen
Jaamac Maxmed Xandule
Jamaca143@hotmail.com