Tijaabi aqoontaada Diinta Islaamka,Suaalo iyo Jawaabo
Berlin 11,2012(SDN)-Akhristeyaal idilkiinba meel aad dunida ka joogtaan mar kale ku soo dhawaada Barnaamijkeenii diiniga ahaa ee Tijaabi aqoontaada diinta suuban ee Islamka,isku day kolka hore inta aanad jawaabaha eegin in ay ka jawaabtid suaalaha.
1:suaal sheeg todobada asxaabi ee xaadiista ugu badan ka wariyeey RASUULKA(NNKH)?
2 suaal sheeg imisa jeer ayuu NABIGU cumaraysteey(NNKH)?
3: suaal sheeg sheeg xiligii laa asaasey magaalada kuufa?
4:sheeg ayaa asaasey magaalada kuufa?
5: suaal sheeg goorama ayuu dhacay dagaalki qaadisiiya?
6-Su’aal Sheeg Haweyneydii ugu horeysay ee dishay nin Yahuudi ah dagal dhexdiis?
7-Su’aal Sheeg kumuu ahaa amiirul Mu’miniinkii xukumaayey xiligii la-furtay Baytul Maqdis?
8-Su’aal Sheeg Nebiga (NNKH) Markii uu geeriyoonaayey Anas Bin Malik imisa jir buu ahaa?
JAWAABO
jawaab:1. abuuhureeyra 2,caasha bintu abu bakar,3 cabdilaahi inu cabaas,4 cabdilaahi ibnu cumar,5 , jaabur ibnu cabdi laahi,6 anis binu malik, 7, sacad ibnu malik,
jawaab2: 4 jeer
jawaab3, waxaa laa asaaseey. xiligii cumar binu khadaab.
jawaab 4. waxaa asaaseey sacad abii waqaas
jawaab 5. waxuu dhacay 14 kii Hijiriyada
Jawab 6: Waxay aheyd Safiya Bintu Cabdi Mudalib oo ah Rasuulkeyna (NNKH) eedadiis
Jawab 7: Wuxu ahaa Cumar Bin Khadaab Rc.
Jawab: Wuxu jiray 20 sano.
Waxa isku soo duba riday Jaamac Maxamed Xandule
jamaca143@hotmail.com