|

Tiirka Abaaraha: Culimada iyo Siyaasiyiinta!

Dhulkeena abaaruhu waa u joogto. Mudadiiba mar ayay wajigeeda foosha xun inna soo tustaa, inaku na tarab tarab ayaynu u daadanaa. Marka ay sii baxayso, waxa ay inagula balantaa in aanay raagi doonin, inaku na kama diyaar garowno. Isla kobtii inaka oo fadina, oo kala kuudud xun ayay inagu soo noqotaa, oo inna karbaashtaa. Doqomada in la karbaasho xaq weeye. Sababo juquraafi iyo dabeecadda deegaanka aynu dunida kaga naallo, ee saxare-xigeenka ahi ay gundhig u yihiin baa abaaraha saaxiib inooga dhigay. Juquraafiga iyo natiijada ka dhalata oo abaarta ah midkoodna waxba ma ka qaban karno, laakiin colka waa ka diyaar garoobi karnaa, wax baa se diidaaya.
Doodda culimadu ay qabaan, amaba tafsiirka diiniga ah ee abaaraha ay ka bixiyaan sheekhyadu, waa mid aan la haysan waaqica, dhibta jirta na aan waxba ka tarayn in uu uga daro mooyee. Macaasidii baa badatay oo sidaas baa roobkii u iman waayay, ma aha dood marin habawsan oo keliya, ee dhib kale oo ka sii weyn ayay xambaarsantahay. Eeg, dadka hadii aan loo micnayn dhibtu meesha ay ka socoto, iyo waxa ay ku saabsantahay, ma baraarugayaan oo isuma abaabulayaan tabtii ay uga gaashaaman lahaayeen, waana khasaaraha u gu weyn ee doodda noocaas ahi wadato. Makah iyo Madiina sanawaad roob ma ka da’o, waana bugcadihii dunida oo idil u gu khayrka badnaa, Eebbe agtiisna loogu jeclaa. Maleesiya iyo Indooniisiya na laba usbuuc oo is xiga ma roob la’aadaan. Deegaamada dambe ayaa kuwa hore ka barako badan ma odhan karno. Sidoo kale, dadka ku nool deegaamada dambe ayaa kuwa deegamada hore ka macsi yar ama Eebbe uga dhow na ma odhan karno. Wax kale ayaa jira, waxaas baana roob yaraanta keena.
Hadaba, roobka helistiisa iyo la’aantiisa waxa xukuma xeer dabiici ah, kaas oo ka baxsan cibaadada iyo cilaaqaadka aadmiga iyo Eebbe u dhexeeya, Ilaahay baana jidkaas u jeexay. Laba usbuuc ka hor baan ku tukaday masjid ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi, sheekhii khudbadda akhriyaayay na waxa uu noo sheegay, oo khudbaddii oo dhan ku dhameeyay, abaarta jirtaa in ay tahay ciqaab Eebbe iyo macsidii aynu falnay. Waa hubaa isla khudbadda taas ah in Muqdisho, Jigjiga, Jabuuti, Hargeysa iyo inta ka dhex leh ba la ga akhriyay. Markii boqolaad iyo markii kunaad ee aan maqlo doodda taas ah ma aha, mana aha dood ay ka soo baxdo natiijo la taaban karo. Macsi baa jirta… haye, oo hadii ay jirto na? Macsidu aadmiga ayay la socotaa oo waa dabiici. Asxaabtii oo Nebi Maxamed (SCW) dhex joogo, oo waxyigii na soo degaayo, ayaa macaasi samaynaysay. Asxaab dhilaysi iyo khamro loo soo gole joojiyay, oo la ciqaabay ama la waaniyay (hadba qof iyo xaalkii), ayaynu ognahay, waana wax ka turjumaaya xaqiiqada ah in bashar iyo macsi ay wada socdaan.
Sidaas darted, laba qolo ba ciyaarta in ay joojiso, oo doodeeda iyo fikirkeeda ba dib-u-habayn u gu noqoto ayaa qumman. Culimadu ha joojiyaan doodda aanay waxba ku biirin waxna ka dhimin, waaqica na aan waxba ka badelayn. Waa doodda ah macsidii baa badatay oo waa la inna ciqaabayaa. Macsidu waa badantahay, in la iska waaniyo na waa muhiim, laakiin abaaruhu waa amuur kale. Dadka in la gu wacdiyo in ay sidan isu dhaamaan, oo xiliga abaarta is caawiyaan, kolka roobabku da’aan na. ay hagaajistaan biyaha khasaaraaya ee badaha ku shubma, ayaa canaanta in badan ka wacnaan lahayd. Qolada labaad, oo kana sii dhaliil badan culimada, waa siyaasiyiinta iyo dadka maamulada umada gacanta ku haya. Abaarta lama joojin karo, laakiin dhibaatada ka dhalata ayaa la khafiifin karaa, waa se hadii qorshe la sameeyo. Dhibta hadda jirtaa ma aha abaarta oo keliya, waa in aanu wax qorshe ahi ba jirin. Qorshe ka hor tag abaareed iyo mid gurmad toona ma jiro, sidaas darteed, xataa qaab dadkii/duunyadii loo gaadho oo wax loo taro ayaan sahlanayn. Hab ama hanaan digniin bixiya inta saamaynta abaartu aanay dhab u muuqan ma jiro. Nidaam saadaal cimilo oo habaysani ma jiro. Tirokoobyo dad/duunyo oo muujinaaya sida loo kala daranyahay, iyo qaabka wax loo gaadhsiin karo ma jiro.
Kolkaa ay sidaas tahay, shir jaraaid oo la qabto wax ma taraayo. Xataa hadii la guu soo gurmado, ma taqaanid qaab micno leh oo dadkii wax loo gaadhsiiyo. Sidaas darted, waa in xaajada hoos loo eego. Umadda waa in dhaqaalaha iyo cashuuraha laga guro loogu abuuro nidaam dhamays tiran oo is wata, kaas oo ka hor tagga, saadaasha iyo gurmadka abaaraha lagu maamulo. 1952 gii, mar ay dhacday abaar xun oo ay dakdu u bixiyeen Siigacase, maamulkii Ingiriisku waxa ay soo direen nin injineer ah oo hal cagaf wata (Chack Lorance), kaas oo shaqadiisu ahayd inta abaartu jirto in la qodo biyo-xidheenno ku teedsan xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Ninkaasi biyoxidheenadaas wuu sameeyay, aad iyo aad na waa loogu reeyay. Cagafyada waagaas tamartoodu boqol jeer ayay ka yarayd kuwa maanta, aqoonta xiligaas la hayay na waa la mid. Hadii dadka cid dan ka lihi ay abaarta ka fikirto, imisa cagaf iyo imisa ingineer iyo imisa riig ayaa la abuuri karaa? Dadku ba hadii ay u qaybsamaan in masjidadda uun canaan ka wadda, iyo in xafiisyada iskaga shaahaysa oo abaarta ba aan dan iyo muraad ka lahayn, yaa dadka wax u qabanaaya? Nacasnimada wadar ahaaneed maxaa inoogu wacan horta? Maxaynaan dhibaatooyinka jira wax uga baran, ee uga gaashaaman?
Xikmadaha asaageen bartee, xoogga lagu yeesho;
Dad Alloow maxaa naga xayiray, waa xujiyo yaabe? Xulub socod – Dhoodaan.
Waa: M. Haaruun – (mbiixi@gmail.com)

Comments are closed