|

Tery Henry oo laga yaabo in uu kooxdiisii hore ee Arsenal u ciyaari doono

Paris Nov 22,2012(SDN)-Laacibka Thierry Henry oo imika dadiisu tahey 35 jir ayaa wuxuu bilaabey inuu mar kale la tababarto kooxdiisii hore ee Arsenal, waxaan dhici karta in Macalinka kooxdaas Arsene Wenger  uu Henry  u qondanayo soo noqosho cusub.

“Haa wuu nala tababartaa, lakiin ma garanyo inaan sameyn doono inuu kooxda u ciyaaro bilowga sanadka cusub. Weli waa nin dhisan oo is haysta oo ciyaari kara”. Sidaa waxaa yidhi Wenger oo shir jaraaid qabtey ka dib Ciyaartii Champion Leage ee ay Arsanel 2:0 kaga adkaatey kooxda  Montpellier ee dalka France.

Henry ayaa hore kooxda Arsenal u ciyaari jirey laga soo bilaabo sanadkii 1999 -2007 kii, waxaanu kooxda u ciyaarey 254 Ciyaarood isagoo u dhaliyey 174 Gool, ka dibna waxaa iibsatey kooxda Barcelona. Lakiin kumuu raagin ee waxa uu sanadkii 2010kii u hayaamey xagaas iyo kooxda New York Red Bulls.Henry ayaa sidoo kale dalkiisa France u ciyaarey 123 Ciyarood isagoo u dhaliyey goolal tiradoodu gaadheyso 51 Gool.

Isku soo duubo sababta kooxda Arsenal hada Thierry ugu baahan tahey ayaa waxa ugu weyn iyadoo ciyaaryahanada ka soo jeeda Qaarada Africa siiba Gervinho iyo Marouane laga yaabo iney sanadka 2013 ku noqon doonan dalalkoodii iyagoo ka qeyb geli doona Ciyaaraha Qaramada Africa. Geesta kale lama hubo inuu wiilka weerar yahanka ah ee Theo Walcott kooxda la sii joogi doona madaaba aanu weli sexeexin qandaraaska cusub ee laga sugayo.

SDN-Oslo

qurbejoog.com

Comments are closed