Terminaalada Madaarka Berbera oo Daad galay iyo Mishiinadii baadhitaanka dadka ee Wasiirku Lacagta ku urursanayay oo ciladdi gashay
Berbera 30, October (SDN)- Roobkii ku da’ay magaalo Xeebeeda Berbera oo ahaa mid quwad lahaa ayaa galay labada Terminal ee Madaarka berbera ee midna laga baxo midna laga soo galo, waxaanu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo ay ilaa hada wasaaradda Duulista iyo Hawadu af-ka ka xidhatay inay sheegto.
Daadka Galay Terminaaladda ayaa la sheegayaa inay sababtay qaabka Terminaaladda loo dhisay oo tayo ahaan liita, isla markaana dusha ka daroorimeeyay kadib markii ay awoodda Roobku ku dhacday, waxaanay biyihii galay sahaydeen Mishiinkii Dawladda Ingiriisku dhawaan ugu deeqday madaarkaasi ee lagu baadhayay Dadka iyo Alaabaha ay sitaan , kaasoo lagu adkaynayay Amaanka Madaarka.
Sidoo kale waxa qoyay oo ay biyaha Terminaaladda galay khasaare balaadhan u geysteen xafiisyadda kala duwan iyo Agabkii hoos yaalay haday tahay waraaqo iyo haday tahay Kombuyuutaro iyo wixii kale ee hoos yaalay oo dhan.
Terminaaladda Madaarka Berbera ee Daadku galay ayay Xukuumadda Somaliland tiraba dhawr jeer iska daba furtay iyadoo xafladdo ay ku ololaynayso inay wax ka qabatay madaarka Bulshadda ugu soo bandhigaysay, balse sida ka muuqata muruqii iyo Maalkii ay galisayba waxa ay u muuqdaan inuu khasaare balaadhani gaadhay.
Mishiinka dadka iyo Alaabaha ay sitaan lagu baadhi jiray ee ay inagu caawisay Dawladda Ingiriisku ayaa la sheegayaa gabi ahaantiiba inuu istaagay oo Roobkaasi fadhiisiyay, waxaanay wasaaradda Duulistu dadka kaga qaadi jirtay $10 oo ay dadku dhibsan jireen maadaama qalab caawimo ah uu ahaa oo aan Dawladda Wax lacag ahi ka galin isla markaana lacagta lagaga qaadayo aanay jirin meel ay ku sal leedahay oo ay ku dhacaysay.
Dawladda Kuwait ayaa madaarka Berbera ku bixisay lacag ka badan Afar Milyan oo Dollar, sidoo kale waxa ay Xukuumadda Somaliland ku bixisay lacagayow kale oo aan qiyaastooda la garanayn walina waxa ka muuqda dayac uu kow ka yahay kaas sababay inay daroorimeeyaan Terminalada Madaarka Berbera oo ah ka kaliya ee wakhtigan ayaa ka soo degaan ama ka haadaan Diyaaradha iskaga Goosha dalalka Jaarka iyo Caalamkaba.
Inkasta oo Roobabkii ugu danbeeyay ee da’ay Dalku ay khaasarayaal kala duwan geysteen, hadana tan madaarka Berbera ku habsatay waa mid ay xukuumaddu af-ka ka xidhatay oo aanay soo bandhigin.
Xigasho: Waaheen