|

Telefoonkii Madaxwene Xasan Sheekh Oo Siro Badani Ku Duugnaayeen Oo La Sheegay Inuu Kenya u Gacan Galay

Nairobi:31-Dec-2013(SDN)-Warar Lagu Kalsoon yahay oo Laga Helayo Safaaradda Somalidu ku Leedahay Nairobi, ayaa Sheegaya in Telefoono uu Madaxweynuhu lahaa uu kaga Tegay Diyaar uu la socday, kuwaas oo Kenya ay gacanta ku dhigtay.

xasab-iyo-farax-mobileTaleefonadan ayaa la sheegay in uu madaxweynaha kaga tagay diyaarad dhawaan uu ka soo raacay Nairobi markii uu ka qaybgalay shirkii madaxda urur gobaleedka IGAD, iyadoo Kenya markii horeba aanay Madaxweynaha hab maamuus fiican ku qaabilin.

Taleefonadan ayaa la sheegay in ay ku jireen siro badan oo ku saabsan qaranka Soomaaliya, mana cadda haddii ay baadheen hay’addaha ammaanka Kenya iyo in kale.

Ilo Wareedyo kale ayaa sheegaya in Maalin ka dib uu madaxweynuhu Telefoonadiisii dib u helay, iyadoo aan la ogayn waxa lagu sameeyey Telefoonada Madaxweynaha oo sida laga warqabo wax badan oo muhiim ahi ku jireen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood oo ku aadan warkan ku saabsan in taleefonadii gacanta ee madaxweynaha Soomaaliya in looga tagay diyaarad madaxweynaha ka keentay Kenya.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed