Telefishanka Qaranka waaxdiisa qaaradda Yurub oo Agaasime cusub loo magacaabay
Hargeysa 13, November 2012 (SDN)- Agaasimaha telefishanka dawladda SLNTV Mr. Khadar Xasan Gaas, ayaa agaasime cusub u magacaabay waaxda telefishankaas ee qaaradda Yurub.
Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Agaasimuhu Telefishanka Qaranku soosaaray, waxa waaxda SLNTV ee qaaradda Yurub Agaasime looga dhigay Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Aaden-Dheri, wuxuuna qoraalkaa magacaabista ahi u dhignaa sidan; “Markaanu aragnay aqoonta, kartida iyo khibrada uu u leeyahay hawsha ee aanu la tashiyo la samaynay dhinacyo kale duwan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11, November, 2012, waxaanu u magacawnay Cabdiraxmaan MaxamedAadan Dheri inuu noqdo Agaasimaha Telefiishanka Qaranka ee Yurub.
Waxaanu Illaahay kaaga rajaynayaa inuu xilkaa balaadhan kuu fududeeyo.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com