Telefishanka Qaranka oo Hirgeliyey Adeeg Cusub oo suurta-galinaya inaad Telefonkaaga kala Socon karo Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa
Hargeysa Sept 16,2014(SDN/QJ)- Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa adeeg casri ah oo dadku kala socon karaan barnaamijyada iyo wararka ku soo kordhiyey hababkii hore ee uu bulshada ugu gudbin jiray wararka iyo barnaamijyada laga baahiyo.
Telefishanka Qaranka (SLNTV) oo Shacabka reer Somaliland iyo bulshada Soomaaliyeed ee daafaha adduunka ku dhaqani wararkiisa kala socdaan Shaashadaha iyo Dhinaca Internetka, ayaa wakhtigan soo kordhiyey adeeg casri ah oo qofka u saaxamaya inuu telefonkiisa kaga daawan karo Wararka iyo Barnaamijyada Telefishanka, waxaana adeeggan cusub oo ah barnaamij laga helayo ANDROID ama GOOGLE PLAY oo ah barnaamij ay ku shaqeeyaan Telefoonnada Gacanta (Mobiles) intooda badan gaara ahaan kuwa loo yaqaano SMART PHONES.
Adeeggan cusub ee SLNTV oo laga yaqaanno Applications (APPs), isaga oo qofku isticmaalaya telefoonkiisa gacanta nooca loo yaqaano SMART PHONES ee ay ka mid yihiin LG, SAMSUNG, SONY, MOTOROLA, kuwaas oo aad kala socon karto barnaamijyo lagu xardhay magacyada SLNTV, waxa ay dadka Isticmaala telefoonnada ku shaqeeya SYSTEMKA ANDRIOD-ku kala soo degi (download) karaan Ciwaankan hoose, si ay telefoonnada ugala socdaan barnaamijyada iyo Wararka Telefishanka SLNTV.
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.slntv
Sidoo kale, Adeeggan cusub waxa aad ku dhegaysan kartaa wararka iyo barnaamijyada ka baxa RADIO HARGEYSA oo uu qofku kala socon karo meel kasta oo uu dunida dacalladeeda ka joogo.
Hirgelinta Adeeggan waxa ku guulaystay Aqoonyahan da’yar oo u dhashay Somaliland, kaas oo lagu magacaabo Eng Abdi Yusuf Kahin Ramale iyo Abdallah Ahmed Gorse oo shahaadada heerka labaad ku qaadday Culuumta Tiknoolajiyadda Casriga ee IT-ga.