|

TAXANE: Maxaad kala socotaa Awoodaha Tafiirta Cumar Geele ee Jabuuti (Qeybtii 5aad)

Paris June 26, 2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa la dhashay sadex inan iyo laba hablood oo hoyadood ka soo jeedo beesha Samaroon.

Madaxweynaha walaaladii waxa ka mid ah Sacad Cumar Geellle oo ka mid ahaa ciidamada xooga ee dalka Jabuuti, Yuusuf Cumar Geelle oo u shaqeeya urur Goboleedka IGAD, iyo Idiris Cumar Geelle oo mar ahaa madaxa maleesho beeleedkii Ciise ee hore uga qeyb qaatay dagaaladii sokeeye ee Jabuuti soo maray, balse waxa uu u geeriyooday  buurnaan ama cayil xad dhaaf ah kal hore hore.

Dumarka ay madaxweynaha Jabuuti walaalaha yihiin waxa ay kala yihiin Faduma Cumar Geelle oo ah xaaska Colonel Xuseen Jaamac, oo isla markaana ah nin ganacsade ah, halka ay Mulka Cumar Geelle hore isu qabeen Colonel Cumar Buux, balse haatan u dhaxda fanaanka reer Jabuuti ee Cumar Indhoyare oo reer Canada mar ahaa.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa abihii waxa uu qabay afar xaas waxaana ay waalo yihiin dhanka aabaha rag iyo dumar faro badan.

Waxase ay aad isugu dhaw yihiin isla markaana xukuumada xilka ugu muhiima ka haya Sacad Cumar Geelle oo qura, waana hormuudka qoyska, waxaana ay isku wanaagsan yihiin marwada madaxweynaha Jabuuti.

Waxa uu wax ka baranayay geeresh gawaarida lagu hagaajiyo oo Dirir dhaba ku yaal isla markaana ay shirkad Talyaani ahi laheyd ka hor intaan Jabuuti Habaryartii uga yeerin horaantii todobaadtamaadkii.

Ka dibna waxa uu mudo laba sanadood ah sii watay barashada dayactirka gawaarida, xoriyadii Jabuuti ka dibna Ismaaciil Cumar ayaa geeyay Dekeda Jabuuti, halkaa oo mudo kooban gudaheed ka noqday madaxa farsamada ee dekeda Jabuuti.

Sanadii 2004tii ayaa shirkada DP World waxa ay ku guuleysatay maareynta Dekedda Jabuuti, markii ay DP u baahatay Agaasime dhanka Farsamada ahna Wasiirka Hawlaha Guud ee Jabuuti ayaa shirkada DP u sheegay in ay shaqadaa qoraan Sacad Cumar Geelle.

Sanadii 2011kiina Madaxweynaha Walaalkii Sacad Cumar Geelle waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee dekeda Jabuuti ka dib kolkii ay Dekeda Jabuuti iyo shirkad laga leeyahay dalka China oo la yiraahdo CHMI heshiis ku gaareen in ay wadajir u maamulan Dekeda Jabuuti.

Shirkada CMHI ayaa heshiiskaa ku bixisay 185 milion dollars oo la dhigay Baanka dhexe ee Jabuuti, balse aduunka ayaan lagu darin Miisaaniyadii qaranka ee sanadkaa, lamina garanayo halka ay ilaa iyo haatan martay.

Sacad Cumar Geelle waxa uu leeyahay laba xaas oo midi ay ka shaqeeyeso qeybta iibka ee Dekeda Jabuuti, Sacad kama mid ah xisbul xaakimka dalka ee RPP, balse waa la taliye mus-danbeedka madaxweynaha Jabuuti.

Sacad Cumar Geelle waxa ay aad isugu dhaw yihiin Ganacsade Axmed Cusmaan Geelle(Arab), oo ah madaxa shirkada GSK Group oo agabka u keenta shirkadaha ganacsi.

Sacad Cumar waxa uu saami ku leeyahay shirkada East Africa Holdings, waxa sidoo kale uu maamulaa Djabouti Automobile and Heavy Equipment Zone oo leh dhul baaxadiisu ka badan tahay 100 hectares oo u dhaw PK12. Dhulkaa oo u qeybsan sadex ayaa waxa loo kala isticmaalaa, goob laga raro gawaarida Itoobiya ku sii jeeda, goobta labaadna waxaa laga kireeyaa gawaarida shidaalka u daabula dalalka Jabuuti la jaarka ah, halka goobta sadexaadna ay tahay bar dhuxusha lagu keydiyo.

Yusuf Cumar Geelle ayaa kolka laga yimaado Xilka uu ka Hayo IGAD oo madaxweynuhu u magaacabay, waxa uu madax ka yahay Trans Africaine Taransit Service (TATAS), waxa sidoo kale uu maamulaa Shirkad rarta xamuulka oo la yiraahdo Okar Transit Service, halka sanadii 2013kiina uu furtay sadex shirkadood oo ka hawlgala dekeda Jabuuti oo la kala yiraahdo 77 Logistics and Risk Management Plc, Multi-Logistics iyo 77 Logistics International.

Saalax Cumar Geelle waxa uu isna maamule ka yahay shirkada dhoofinta iyo soo dejinta ee Dourdour ilaa sanadii 2006dii iyo shirkad kale oo Dekeda Jabuuti ka hawlgasha oo la yiraahdo Gulf Transit and Transport Service marka laga soo bilaabo  sanadii 2010kii.

Saalax Cumar Geelle iyo Saacid Cumar Geelle ayaa Jabuuti mar wada yimi, Saalax waxa uu  xiligaa shaqo ka helay (ONEAD) oo uu markaa madax ka ahaa Raaisul wasaaraha haatan ee dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kamil Maxamed oo qaba Sacdiya Ceynaanshe Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti inaadeertii.

Siciid Cumar Geelle oo ah mid kale oo ka mid ah Walaalaha Madaxweynaha Jabuuti ayaa madax ka ah Badr Transit, Halka Giire Cumar Geelle uu isna maamulo shirkadaha Guirreh Business Group (GBG), Madalmetal, Djabouti Steel Goubet Trading Service.

Walaalaha ay isku bahda yihiin Madaxweynaha Jabuuti gidigood ganacsi mey gelin, CabdiIbrahim Cumar Geelle waxa uu ahaa Doctor mudo dheer, waxaanu u shaqeynayay Wasaarada Caafimaadka, waxa uu ahaa ruux aad loo ixtiraamo, waxaanu ka tegay 12 caruur ah, sanadii 2014kii ayuu kiyoo 80 jir ah geeriyooday.

Xiriirka Walaalaha Ismaaciil Cumar Geelle ayaan aheyn mid ay ka marn tahay isku dhac, ganacsiyadooda ayaa sababa khilaafyo, Yusuf iyo Sacad Cumar Geelle ayaa gacanta isula tegay mar uu 2012kii Yusuf isku magacaabay in uu maamulo goobta maraakiibta dekeda Jabuuti ku soo xirato, Isla sanadkaa Mahdi Cabdi Cumar Geelle oo ka shaqeeyay Dekeda Jabuuti ayaa gaarigiisa ku dhuftay kadinka Madaxtooyada Jabuuti isaga oo sakhraansan, waanu ka careysnaa in adeerkii Sacad Cumar Geelle uu shaqadii Dekedda Jauuti ka eryay.

Sacad iyo Saalax Cumar Geelle ayaa wadajir u maamula ganacsiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku leeyahay dalka Itoobiya, waxaana ganacsigaa ka mid ah Delight Hotel oo ku yaala magaalada Dirir Dhaba, waxaana Hotelka dhawaan laga iibiyay shirkad China laga leeyahay, waxaana haatan ku socota dib u habeyn.

Saalax Cumar Geelle ayaa magaalooyinka Jigjiga, Herer iyo dirir Dhaba ku leh xiriir ganacsi oo balaaran, waxaanu halkaa ka wadaa mashaariic dhisme oo baaxad leh oo ay dhici karto in Baanka aduunku maalgeliyo.

Wuxuu Saalax Cumar Geelle dilaal u yahay shirkado maalgashi oo reer Yurub ah oo Itoobiya ka hawlgala, shirkadahaa oo haatan wada sidii ay madaxweynaha Jabuuti ugu soo bandhigi lahaayeen Mashruuc balaaran oo dhanka Shidaalka ah.

Buux Idiris Cumar Geelle ayaa isna la wareegay ganacsigii abihii ka geeriyooday, Idiris Cumar ayaa maalgashi uu ka helay wadamo ku yaal Bariga Yurub waxa uu ku hirgeliyay Investment Bank of Africa intaanu dhiman ka hor, waxa sidoo kale uu ku lug leeyahay Africa Invest oo ah Bank laga leeyahay dalka Tanzaniya, waxaanu ku casuumay in Baanku Jabuuti kaan ka furto .

Ha moogaan taxanaha qeybtiisa u danbeysa aanu ku soo ban dhigno Awoodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Jaamac Cali Geelle.

 

SDN/QJ-Paris

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed