|

Tawaangida AMISOM Oo Cagta Mariyey Dhul Beereed Ku Yaallay Buullo sheikh iyo Ciidanka Huwanta Oo Maanta Kulaalaya Magaalada Barawe

Marka:11-March-2014 (SDN)-Ciidamada Huwanta ah ee Wada Dagaalka lagaga soo Horjeedo Kooxaha Alshabaab ayaa Haatan ku sii siqaya Goobihii Muhiimka ahaa ee Gacantooda ka Maqnaa, iyadoo Dagaaladaasi Khasaare Naf iyo Maalba leh ka Geysteen Goobihii  ay ka dhaceen.

amiCiidamada  Huwanta ah ayaa Shalay ka dhaqaaqay  Deegaanka Shalanbood,  iyagoo u jihaystay Degmada Qoryooley & Deegaanka Buulo Mareer, oo 120 Km u jira dhanka Koonfur Galbeed ee Muqdisho,waxana Aagaas Ka dhacay Dagaallo khasaare badan geystay.

Ciidamda Kooxda Alshabaab ee Meelahaas Difaacyo adag ku leh ayaa la sheegayaa inay Iska caabin ballaadhan sameeyeen, waxana Deegaanka Buulo sheikh dagaalka ka dhacay uu Keenay Khasaare Badan oo labada dhinac ah.

Tawaangida Ciidanka AMISOM ayaa la sheegayaa inay si arxan darro ah ugu dul sabbeeyeen Dhul beereed Ballaadhan oo Halkaas ku Yaalla, iyagoo Bannaan u beddelay  Beero lagu tabcayey oo Muus iyo Dalagyo kala duwan muddooyin badan laga Beerayey.

Ciidanka ayaa Haatan Kulaalaya Magaalada Xeebta ah ee Baraawe, waxana Sidoo kale si weyn u Barakacaya Dadkii Shacabka ahaa ee Halkaas Deggenaa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed