|

Tartan Orodka 10Km ah oo galabta Hargaysa ka furmay iyo Magacyada Orodyahanada Guulaystay.

Hargaysa 01.Feb.(SDN)      Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil ayaa galabta ka qayb galay tartan Ciyaaraha Fudud gaar ahaan Orodka 10-ka Km,oo ka dhacay Garoonka Hargaysa Stadium.

Tartankan oo ujeedadiisu ahayd Sidii loo kala reebi lahaa Orodyahanadii ka qayb qaadanayay ,kuwaas oo intii soo baxday laba ka mid ahi  ay ka mid noqon doonaan Ciyaar yahanada ka qayb gali doona tartanka Maaratoonka ee ka dhici doona Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti bisha Sadexaad ee inagu soo foolka leh.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil ayaa Sheegay in tartankan lagu kala Xulayay Orodyahanadii ka qayb galay waxaanu xusay in Lixdii Orodyahan ee ugu horeeyay lagu xarayn doono xarunta tababarka ee degmada Sheekh oo ay Mudo bil ah Tababar ku qaadan doonaan,Agaasimahani waxa uu Sheegay in tartanka Maaratoonka ee Jabuuti ka dhici doona ay Somaliland uga qayb gali doonaan laba orodyahan,kuwaas oo ka soo dhex bixi doona sida uu yidhi Lixdan Orodyahan ee tababarka la siinayo ,oo iyagana la sii kala reebayo.

Lixda Orodyahan ee soo baxay ayaa waxaa kaalinta kowaad galay Jimcaale Axmed Jibriil,halka uu kaalinta labaad ka galay Xariir Yuusuf Carab,iyadoo uu kaalinta sadexaad galay Maxamud Ibraahin Muumin, waxaana Kaalinta Afaraad galay Maxamed Xasan Nageeye “Banay” sidoo kale waxaa Kaalinta Shanaad ku soo baxay C.raxmaan Cawil Muuse waxaa kale oo kaalinta lixaad ee u danbaysa ku guulaystay C.raxmaan Dayib Xasan.

Hargaysa SDN.

Comments are closed