|

Tahriibayaasha Sii Maraya Talyaaniga Oo War Farxad Leh Helay

Rome:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dariiqa u noqotay Tahriibayaasha Beegsanaya Galbeedka Yurub ee Talyaaniga ayaa ka Farxisay Kumanaan Tahriibayaal ah  Oo Badiisa Dhibaato kala Kulmi Jirey.

donta tahrribkaWasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Angelino Alfano ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidama amaanka ee dalkaasi ay ku badbaadiyeen dad badan oo tahriibayaal ahaa oo doonayay inay dooni ku gaaran dalka Talyaaniga.

Wasiirku waxa uu sheegay inay door weyn ka ciyaari doonaan dadaalada lagu badbaadinayo dadka tahriib doonka ah ee inta badan dhibaatada kala kulma badda xiliyada ay ku safrayaan doonyaha macmalka ah.

 

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay aad kaga taxadarayaan inay ka hortagaan waxii dhacay sanadkii hore bishii October markii dooni tahriibayaal badan ay la socdeen ay ku dhinteen xeebaha Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowlada Talyaaniga ay qaadatay go’aanka ah inay qaado masuuliyada xuduudaheeda iyo biyaha caalamiga oo ay ku safraan dadka doonaya inay Yurub usii gudbaan.

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in intii u dhaxeysay bishii August ee sanadkii 2013 iyo bishii July ee sanadkan dalkaasi ay gaadheen inka badan 117,000 ayna badbaadiyeen inka badan 63,000 oo ruux.

Hayada qaxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNCHR ayaa sheegtay in bilowgii sanadkan 2014 dalka Talyaaniga ay gaadheen inka badan 100,000 ruux oo qaxooti ah, kuwaasi oo ka cararaya dagaalada wadamadooda ka taagan.

Tirada dadka sanadkan gaadhay dalkaasi ayaa ka badan tiro koobkii sanadkii 2011 la sameeyay oo lagu sheegay in 60,000 oo ruux ay gaadheen dalkaasi Talyaaniga.

Baaqan kasoo baxay dalka Talyaaniga ayaa yididiilo badan iyo dhiirrigelin u ah dadka ay ka Go’antahay inay tahriib ku maraan Badda u dhaxaysa Libiya iyo Talyaaniga, kuwaas oo markii hore qabay warwar ah inaanay caawimaad heli doonin haddii ay Bada dhexdeeda Cilladi ku qabsato.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed