|

Talyaaniga oo badbaadiyay Tahriibayaal Cusub,Iyo Midowga Yurub oo Mawqifkii ugu Adkaa ka Qaadanaya Qadiyada Tahriibka

Roma 24.April 2015 (SDN/QJ)- Ciidammada badda Talyaaniga ayaa shalay badbaadiyay 500 oo qof oo muhaajiriin ah oo la qallibantay dooni ay saarnaayeen.

Sargaal u hadlay ciidammada badda Talyaaniga ayaa sheegay in muhaajiriinta ay kasoo baxeen xeebaha Liibiya, iyagoo doonayay inay si sharci darro ah ku galaan qaaradda Yurub.

Qaar ka tirsan dadka la badbaadiyay ayaa la dhigay isbitaalka si loo daweeyo.

800 oo qof oo Soomaali ay kujirto ayaa Axaddii ku dhimatay badda Liibiya, tasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimatay sanadkan 1,750 qof.

Dhinaca kalena Madaxda dalalka Midawga Yurub ayaa isugu Yimid shir madaxeed ku saabsan arrimaha muhaajiriinta iyo socdaalka, Madxada ayaa ka wada hadli doona sidii loo burburin lahaa doonyaha soo qaadda dadka tahriibta ah intaan rakaabka la soo saarin.

Shir madaxeedkan ayaa ahaa mid si deg deg ah ku yimid ka dib markii ilaa 9 boqol oo qof ay axaddii ku dhinteen badda ka dib markii doonidii sidday ay la degtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee faransiiska Laurent Fabius ayaa sheegay in wasiirada reer yurub ay ka wada hadlayaan sidii faragalin miltari iyo mid rayid ah  lagu samyn lahaa si loo burburiyo doonyaha tahriibta.

Laakin maleeshiyada maamusha Tripoli ayaa shegay inay la dagaalami doonaan hadii midawga yurub uu kaligii qaado talaabo milatari oo lagu beegsanayo dekadaha laga soo rakaabiyo doonyaha tahriibta ee dalka Libiya.

Maleeshiyada ayaa ku baaqday in lagala tashado tallaabo kasta oo la qaadayo.

Roma SDN/QJ

Comments are closed