|

Talooyin Bin Laden u jeediyay Al Shabaab oo la soo bandhigay

Muqdisho July 02,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa soo bandhigtay qoraalo kumaan ah oo uu daabacay hogaamiyihii la khaarijiyay ee Al Qacida Osama Bin Laden.

Bin Laden ayaa qoraaladiiisa mid ka mida ayaa waxa uu u qoray kooxda Al Shabaaboo uu sharaxaad ka siinayay nidaamka dawladeed.

Hogaaamiyaha Al Qaacida ayaa qoraalkiisa ku hagaajiyay madaxa Al Shabaab Muqtaar Abu Zubaeyr oo uu faray in uu la yimaado hogaan u cuntama Soomaalida.

“Waa in aad la timaadaa hogaan ay sal u tahay naxariis,cadaalad iyo xiriir wanaagsan oo muwaadiniinta aad la yeelato”ayuu yidhi Bin Laden.

Bin Laden ayaa qoraalkiisa ku sheegay “in hogaanka shabaaka lagu cabiri doono uun kolba sida ay Soomaalida u maamulaan”.

Qoraalkan ayaa u muuqda mid aan talada ku xardhan sida ay tahay aan loo qaadan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed