|

TALO KU SOCOTA SHACABKA REER SOMALILAND

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka somaliland meel kasta oo ay joogaan bal aan .U dego dulucda qoraalkayga oo ah talo ku socota shacabka Somaliland guddo iyo dibadba.

Sidaad ogtahay dalka jamhuuriyada somaliland waxa uu ku soo caano maalay nabad gelyoiyo degenaansho ,shacabka oo isku qalbi furan isna jeclaa mahadeedana ilaahay leeyahay taas oo dhidibada loogu taagay qaab ku salaysan hab beeleed oo dhamaan qabiilada dega somaliland oo dhami ay ka dhex muuqdaan maamulka somaliland hadaba waxaa jirta ama dhacday  laba maalmood ka hor ina ay dhacday iska horimaad dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo shacabka Somaliland arintaas oo runtii si foolxun u dhacday mudana wax laga naxo madaamaynu nahay dad ku caano maalay nabadgalyo iyo xasilooni ,Dad badan oo Somaliland lidi ama cadaw ku ihina ay ku farxayaan.

hadaba waxaan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland ee ul iyo diirka isku ahaa  walaalayaal nabad galyadaynu haysano waad ogtihiin siday ku timid iyo waxaan u soo marnay ee inaga soo qabsaday ,Yaynaan noqon islaantii laxooxda dubtay ee xabadii u danbaysay ka kacday manta waxaynu nahay dalka kaliya ee geeska Africa ee isagoon aqoonsi  calamiya haysan buuxiyey dhamaan shuruudihii dawlad lagu aqoonsanlahaa  Taas oo ay kow katahay nabadgalyadu.

Waxaan usoo jeedinayaa marlabaad shacabka Somaliland guddo iyo dibadba walaalayaal waynu ka gudubnay marxaladii qabiilka ama beelaysiga oo manta waxaynu maraynaa qaran waxaynu duulinaynaa qaran layidhaah Somaliland hadaba waxkasta oo dhaxdeena ka dhaca aynu ku xalino qaabkaynu awalba u xashan jirnay guurtibaynu leenahay odayaalbaynu leenahay hadii xataa aan garanwayno qaabka ama nidaamka ay dawladu wax u waddo dee maaha inaan idhaahdo waan ridayaa ama qorigaan qadanayaa  waa dawladeenii wixii aynu garanwayno aynu masuliyiinta u xilsaaran aynu la tashano.

Manta cadaw fara badanbaynu leenahay oo afarta koonaba inagaga xeeran  hadaba ma cadawgeena ayeynu u hiilinaa  mise dawladeena waa suaal?shacbiyoowe  aniga waxay iila muqataa markaynu eegno marxaladahaynu ku jirno inaynu dawladeena khalad iyo saxba la garabtaagnaano  oo aynu cadawgeena tusno inaanu nahay dad isku qalbi furan oo gacmaha is haysata Waxaan talo usoo jeedinayaa jaaliyada reer Somaliland ee qurbaha ku nool inaanay laba nin oo ilmadeera xabada iskugu dhiibin oo aad ka fikirto sidii dadkaa wadanka gudihiisa ku sugan aan ula dadaalilahayd waxbarashadooda shcoolada ,cafimaadkooda iyo wixii wanaagsan ee aad ka caawin karto lakiinse hadaad tiraa qurbahaan ku noolahay caruurna igama joogto  oo aad dab iyo qabiilaysi aad dhaxdhigto  waa wax runtii cidhibxumo ah Somaliland waa qaran maaaha qabiil .wali waxaad mooda in dadkeenu kala saari kari layahay.

Qaran iyo qabiil manta Somaliland way ka soo gudubtay qabiil waxay maraysaa qaran wadigaa arkaaya waxaan awali africada kale ka dhicin ayaa Somaliland ka dhacay taasna waxaa u sababa shicibka oo ah dad waayo araga ogna colaadi waxay leedahay dhadhamiyeyna nabada macaankeeda markaas aynu walalayaal garabtaagnaano dawladeena iyo qaranka Somaliland.

Somaliland guul iyo gobanimo 
Somaliland long live 

allah mahadleh 
By: Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case)
Ottawa,Canada
Ahmed_farah43@yahoo.ca

Comments are closed