Taliyihii Nabad-sugidda Maamulka Jubba iyo Laba Ka Mid ah Ilaaladiisii Oo Xalay La Khaarajiyey
Kismayo:18-Feb-2014(SDN)-Taliyihii Nabadsugidda Ee Maamulka Jubba Ciise Maxamed Kambooni iyo Lab aka mid ah Ilaaladiisa ayaa Habeenkii Xalay lagu Dilay Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Taliye Kaambooni ayaa la Sheegay in dilkan loogu Geystay Gurigiisa oo Ku Yaalla Magaalada Kismayo xilli uu u diyaargaroobayey inuu Seexdo.
Wararka ayaa sheegay in koox hubaysan ay ku weerartay Guriga (AUN) taliye Ciise Kambooni kadibna ay dilka ugu gaysteen, lamana sheegin wax tallaabo ah oo loo qaaday sidii loo qaban lahaa ciddii dilka Geysatay.
Taliye Ciise Kambooni ayaa ahaa shaqsi aad ugu wayn maamulka Jubba sidoo kalane ka mid ahaa hal doorka amniga magaalada muhiim u ahaa.
Xaalka Kismaayo ayaa saaka ah mid kacsan waxaana durba bilowday howgal ciidamada ay ku baadhayaan cida weerarka ka danbeysay.
Dilka taliyahan ayaa dhirbaaxo weyn ku ah Maamulka Sheekh Axmed Madoobi, walina lama hayo Cid si Toos ah loola xidhiidhin karo Dilkaas Xalay dhacay
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com